Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

JAALIYADA ISBOORTIGA SOOMAALIDA MALAYSIA OO WACDARO KA MUUJISAY KOOB AY DHIGEEN SHIRKADO CAALAMI AH

30 December 2008

Kuala Lumpur. Koob saddex geesood ah oo loo dhigay jaaliyadaha wadamada kala ah Indonesia , Myammar iyo Soomaaliya ayaa lagu qabtay mid ka mid ah garoomada caalamiga ah ee Fustal-ka oo ku yaala bartamaha caasimada Kuala Lumpur ee wadanka Malaysia.

Koobkan oo ahaa mid xiiso badan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay shirkadaha waaweyn ee Adiddas iyo Nike oo iskaashanaya, kuwaasoo mas'uuliyiintii garoonka goob jooga ka ahaa ay ii sheegeen inay ciyaarahaani ay uga gol leeyihiin mid ku dhisan is dhex gal bulsho oo ay inta badan adag tahay in ay isku meel isugu yimaadaan.

Hadaba, hadii aan guud maro bal qaabkii ay ciyaarahaani u dheceen ayaa aheyd kulamo is wada arag ah oo kooxba kooxda kale ay la kulmeysay, waxaana markii uu is wada aragga bilowday wada kulmay kooxda jaaliyadda Soomaalida Malaysia Vs kooxda jaaliyadda Indonesia waxayna ciyaartii dhex martay ku dhamaatay 3 - 2 oo ay guusha ku raacday Soomaalida, lugtii labaad ay Soomaalida ugu dhacday kooxda kale ee ka socotay jaaliyadda wadanka Myammar waxay hadana kooxda Soomaalidu ka gaareen guul weyn oo taariikhi ah ka gadaal markii ay 5 gool iyo 3 gool kaga talaabsadeen kooxdaasi wadanka Myammar ku ciyaareysay.

Boqolaal dadweyne ajaaniib ah oo ciyaarahaasi daawanayay ayaa Kooxda jaaliyada Soomaalida siiyay taageero xooggan taasoo ay kaga keensadeen qaab ciyaareedkoodii wanaagsanaa.

Dhanka kale, mas'uuliyiintii shirkadaha Adiddas iyo Nike ayaa kooxda jaaliyadda Soomaalida iyo guddigoodaba uga hambalyeeyay guulaha ay ka gaareen ciyaaraha, waxayna guddoonsiiyeen koobkii iyo bilado dahab ah iyo qalab kaloo isboorti.


Kooxda jaaliyadda Soomaalida Malaysia

Sidoo kale, waxaa garoonka xaadir ku ahaa shirkadaha ku caan baxay cunooyinka fud fudud ee kala ah McDonald iyo KFC, kuwaasoo mar kaliya ka harqiyay cunooyinkooda kooxda Soomaalida.

Hay'adda UN-ka ayaa qeyb ka aheyd dhiiro gelinta tartankaasi, iyadoo dhinaca kalena u hambalyeeyay guddoomiyaha iyo tababaraha kooxda jaaliyadda Soomaalida Axmed Jaamac iyo Cali Siidoow kuwaasoo ammaan iyo bogaadin ballaaran la huwiyay.

Waxaa xusid mudanaa in ciyaaryahankii sida weyn loo wada jecleystay ciyaartiisa isla markaana dhaliyay goolashii ugu badnaa ayaa ahaa ciyaaryahan Daahir Siciid C/qaadir oo loo yaqaano "Daahir Antooniyo" oo sida uu ii sheegay mar ka tirsanaa junyariska labaad ee kooxda caanka ah ee Elman oo ka dhisan magaalada Muqdisho.

Daahir Antooniyo, waxaa meesha lagu gudoonsiiyay hadiyado qaali ah oo u sameeynayay dhiiro gelin ballaaran. Sidoo kale, Axmed Bashiir "Addis" ayaa isna ahaa laf dhabarkii kooxda guulaha dhaxal siiyay, isagoo goolasha inta badan ku taageerayay saaxiibkiis Daahir.

Daahir Antooniyo

Waxaa xusid mudan oo aan la iloobi karin labada gabdhood ee lagu kala magacaabo Amina Yuusuf Afrax iyo Ifraax oo ahaa labo gabdhood oo u cayaarayay tartanka Jaaliyada Soomaaliyeed, oo aheyd xeer loogu tala-galay kulamada oo ay koox walba wadatay laba hablood. Labadaas gabar ayaa runtii muujiyay cayaar xirfad wanaagsan oo runtii ay jeclaysteen daawadayaashii ka soo qayb galay tartanka.

Hadaan dib u jaleecsano bartamihii sanadkan sii idlaanaya ayay aheyd markii ay kooxda jaaliyadda Soomaalida Hindiya ay todobo waddan ka dhex qaaddeen koob kubadda cagta ah oo xilligaasi loo qabtay.

Isku soo duuboo, guulaha taariikhiga ah oo aan loo ogeyn inta badan dhalinyarada qurba joogga ah ee Soomaaliyeed kuwaasoo had iyo jeer ku dadaala inay difaacaan Calanka, magaca iyo sharafta ummadda Soomaaliyeed ayaa noqon doonta mid taariikhdu sheegi doonto waqti ay ahaataba.
 
C/raxmaan Jaamac Afrax "Helos"
Kubadda.com
Malaysia - Kuala Lumpur