Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

26 December 2008

Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun, waxaa caawa fiidnimadii oo taariikhdu ahayd 26/12/2008 asna ku geeriyooday shil baabuur dalka Finland magaalada Helsinki, macalinkii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed Ibraahim Jimcaale Cabdi oo ku magac dheeraa (Buruko)

Ibraahim buruko, oo ka mid ahaa macalimiintii Soomaaliyeed ee ugu magaca dheeraa ahaana tababarayaashii ugu wanaagsanaa ee dalka soomaaliya soo maro, asagoo macalina u soo noqday kooxo badan sida Batroolka, Waxool, Sancada iyo wiilasha Qaranka Soomaaliyeed.

Dhamaan bahweynta Soomaaliyeed ee Isboortiga, gaar ahaan Kubadda Kolayga, G.O.S. iyo Ururka SSIFO iyo gudiyadiisa, Gudoomiye Xigeenka GOS ahna gudoomiyaha XSKK Aadan Xaaji Yebarow WIISH, dhamaan asxaabta faraha badan ee marxuumku wexey tacsi u dirayaan:

Marka hore Xaaskiisa Faadumo Faarax, dhamaan ilmihiisa, dhamaan qaraabadooda iyo saaxiibadood, waxaan leenahay samir & iimaan Allaha naga wada siiyo walaalkeen marxuum Ibraahim Jimcaale Cabdi (Buruko).

Illaahna waxaan uga baryeeynaa danbe dhaaf iyo in Rabi janadii Fardowso ka waraabiyo, anagane Illaah hanaga dhigo kuwii ku cimri qaata oo badiyo cibaadadii Alle, ogaanana in qof walba uu dhimanayo.

Dhamaan maamulka kubadda.com

Fadlan halkan RIIXA si aad u dirtaan Tacsida.