KAL FADHIGII LABAAD EE HESHIISKA URURADA SOSCA IYO TODAY
16 December 2008
Waxaa 14 Dec. 2008 ka dhacay magaalada Toronto, mar kale shir taageero buuxda loogu raadinayo heshiiskii bishii hore ee November 23-keedii ay ku kala saxiixdeen labada guddi SOSCA iyo TODAY oo ah kuwa soo qaban qaabiya cayaaraha todobaadka Soomaalida ee xiliga xagaaga lagu qabto magaalada Toronto.
Shirkaas oo si gaar ah loogu marti qaaday dhammaan cayaartoydii cuslaatay, si looga helo cod buuxa oo taageero ah, laguna dhiiri galinayo horumarka heshiiska Sosca iyo Today, taas oo in la qabto shirka keentay markii laga war helay shiqsiyaad dhaliilsan heshiiska kana tirsan cayaartoydii cuslaatay. Laakiin nasiib wanaag intii shirka soo xaadirtay waxay si buuxda 100% codkooda iyo fikirkooda ku taageereen heshiiskaas hore loogu dhawaaqay.

Dadkii halkaas ka hadlay oo aad u badnaa waxaa ugu horeyntii furay shirka Muqatar Cutii, Farah Oday, Saadiq Farah iyo Xinbil oo martidii meesha soo xaadirtay u sheegay in caawa looga fadhiyo in codkooda siiyaan guddiyada Sosca iyo Today si meesha looga saaro shakiga ku jira magaalada in dadka qaarkiis ay heshiiska ka soo horjeedaan.
Macalin Tuke, Macalin Musse, Garsoore Mohamed Farah, Xasan Xarbi, Dr Yusuf Shaqaq, Macalin Bruno iyo dad bada oo halkas ka hadlay waxay taageero buuxda siiyeen Heshiiska, Inkastoo markii uu hadlayay Macalin Bruno oo si buuxda u sheegay wararka magaalada ku jira ee sheegaya in qaarkamid ah cayaartodiii hore ee mucaaradka ku ah heshiiska Sosca iyo Today si cad carabka ugu dhuftay kuwaas oo Macalin Bruno yiri “ Waxaa isoo gaaraya faniin in laba cayaartoy oo hadda ka maqan goobta kalana ah Cali Gurey iyo Cumar Ganjab iyo Cantar Jeenyo oo hadda jooga shirka ay tashwiish ku hayaan heshiiska”.
Shirka markii la so xiray waxaa Somaliweek u suurtagashay in ay wareysato Saadiq Farah Ducaale iyo Ahmed Cilmi Kulmiye (Xinbil) iyagoo si aad u faahfaahsan noogu sheegay sida heshiska ku qoran iyo waxa ay damacsan yihiin in ay ku dardar galinayaan sidii heshiiskaas ku noqon lahaa mid mira dhala dadkana meel isugu keena.
Mar aan waydiinay Sadaq Farah in uu noo caddeeyo warar magaalada ku jira oo sheegaya in loo magaacabay Hussein Hagi guddoomiyaha Cayaaraha 2009 iyo Muqtaar Cutti Guddoomiyaha kubadda cagta wuxuu ku jawaabay “ horta warkaas wax waa ka jiraan markii aan isku imaanay labada guddi Sosca iyo Today in aan ku heshiinay in anaga (Sosca) aan qaadano guddoomiyha cayaaraha 2009 ayaga (Today) ay qaataan guddoomiyaha kubadda cagta waliba Muqtar Cuti, uu qabto xilkaas maadama uu yahay cayaaryahan caan ah Soomaalida oo dhanna ay taqaan”

Sadaq Farah waxa kaloo uu intaas ku sii daray in warkaasi uusan wali rasmi ahayn ayna saxaafadda u soo bandhigi doonaan haddii Alla idmo markii uu hadalkaas rasmi noqdo.
Hadaba su’aasha is weydiinta leh waxay tahay labada guddoomiye ee Abdirabi (Sosca) iyo Farah Oday (Today) sidee laga yeeli?
Warar kale oo magaalada ku jra ayaa iyaguna sheeganay in madaxda dhaqaalaha cayaaraha 2009 loo kala magacaabay Abdirabi Salah, iyo Abdirisaq Cadde, balse warkaasi ilaa hadda labada guddi kama soo bixin waana warka dadka isla dhexmarayaan, Somaliweek waxay isku dayeysaa in arintaas ay wax ka weydiisa madaxda labada guddi Sosca iyo Today mustaqbalka hadii alla idmo.
Cantar Jeenyo wuxuu ka mid ahaa cayaartodydii habeenkaas goobta soo xaadirtay balse aan fursad u helin in uu meesha ka hadlo laakiin meesha laga sheegay dadka aamuso in macnahoodu tahay in ay heshiiska si buuxda u taageersan yihiin.
Mohyadin Jama
Somaliweek.com
somaliweek@hotmail.com
Toronto