Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

CAYAAR BAROOR DIIQ AH OO LAGU XUSAYAY FAARAX SINTIKO OO LAGU QABTAY GOBOLKA HIIRAAN

16 December 2008

Ciyaar xushmo ah, oo lagu xusayay Alle ha u naxariistee marxuun Faarax sintiko oo ah nin caan ku ahaa ciyaaraha soomaaliya ayaa lagu qabta Magaalada B/weyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Ciyaartaan oo baroor diiq ahayd ayaa waxaa ka qeyb qaatay labo kooxood oo kala matalayay Degmooyinka B/weyne iyo Bulo-burte ee Gobolkan Hiiraan.

Kooxda Alpa B.weyne

Kooxda Elman Bulo-burte

Ciyaartan oo ay qaban qaabadeeda iska kaashadeen Gudiga Olompikada Gobolka Hiiraan oo uu hor kacayay C/laahi Cabdi Xasan (C/laahi Bay) iyo Ururka Hormarita Dhalinyarada iyo Isbortiga ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ka dhaceen garoonka kubada cagta ee Lama-galaay ee magaalada B/weyne, waxaana u soo daawasho tagay boqolaal dad ah oo xiiseeyo ciyaarta k/cagta.

Gudiga qaban qaabada ciyaarta

Daawadayaasha cayaarta

Intii ciyaartu aysan bilaaban ayaa gudoomiye C/laahi Bay, waxaa uu ciyaartoydii labada koox iyo maamulayaasha kooxaha iyo sidoo kale dhamaan dadweynihii u soo daawasho tagay u soo jeediyay qudbad aad u dheereed oo uu kaga hadlayay marxuun Faarax Sindiko, taariiqdiisii iyo guulihii uu u soo hooyay bahweyta Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa uu carabka mariyay Gudoomiye C/laahi Bay isbortiga Gobolkan Hiiraan iyo sida uu u baaba’ay waxaana uu tilmaamay in wax badan uu ka qaban doono mudooyinka soo socdo.

Labadan koox ee kala matalayay degmooyinka B/weyne iyo Bulo-burte oo la kala oranayay Alpo iyo Elman ayaa markii ay ciyaarta bilaawatay dardar iyo ciyaar xirfadeysan oo herkeedu aad u sareeyo la soo galay garoonka islamrakaan dadkii usoo daawasho tagay qiiro iyo xamaasad galisay.

Goolka waxaa billaabay kooxda Alpa waxaana u dhaliyey Weerar yahayka kooxda Alpa u qaato lambarka 9-aad, wuxuuna dhaliyey daqiiqaddii 30-aad ee qaybtii hore.

Waxaa labeeyey Saadaq, oo Alpa usito lambarka 11-aad. Qaybtii labaad daqiiqaddii 65aad. Waxaa saddaxeeyey Abatey oo isna sito lambarka14-aad ee kooxda Alpa qaybtii labaad daqiiqaddii 80-aad. Halka goolka yatiinka ah ee ay dhalisay kooxda Elman-na qaybtii labaad daqiiqaddii 70-aad uu u dhaliyey laacibka la yiraahdo Jaaraay oo u sitay lambarka 7-aad.

Sidoo kale Elman waxay heshay Rigoore Qaybtii 2aad daqiiqaddii 60-aad, waa ayna iska beerdareeyeen oo ay ka faa’idaysan waayeen. Guud ahaan ciyaartii waxay ku soo gaba gabowday Albo B/weyne 3 -1 Elman Bulo-burte, halkaasna koobkii tacsida marxuun Faarax Sindiko ku guuleystay kooxda Albo B/weyne.

Ilyaas Axmed Cilmi
guute@kubadda.com
xafiiska kubadda.com
Hiiraan B/weyne