Skip Repetitive Navigational Links

Friday, September 10, 2010

FALSAN OO KU DAYASHO MUDAN OO AY MUUJIYEEN DAA’UUD DHEERE IYO AXMADEEY

02 December 2008

Daud Ahmed Mohamed ( Daud Dheere ) iyo Ahmed Abukar ( Ahmedey B ) oo ka mid ahaan jiray cayaartoydii hore ee kubadda kolkeyga Soomaliyeed haddana ku nool magaalada Toronto dalka Canada, waxay aqoonta ay u leeyihiin cayaarta kubadda koleyga u gudbiyeen caruurta Somaliyeed iyagoo habeen walba oo sabti ah tababar buuxa siiya caruur tiradoodu gaareyso 45 da'dooduna u dhaxeyso 10 ilaa 16 jir.

Kooxda SYBC iyo Macalin Daa'uud

Kooxda SYBC iyo Macalin Axmadeey

Hadaba waxaa somaliweek booqasho gaaban ku tagay goobtii caruurta Somaliyeed ay ku tababarayeen Daud Dheere iyo Ahmedey B, iyadoo caruurta ka sakow ay goobta joogeen qaar ka mid ah waalidiinta dhalay caruurta oo farxa weyn wajiyadooda ka muuqatay sida wanaagsan ee caruurtoda gacanta ugu hayaan labada tababare Daud Dheere iyo Ahmedey B.

Waxaan halkaas wareysi dheer oo kala duwan la yeelanay Daud iyo Ahmadey oo si faahfaasan uga waramay ujeedada barnaamijkan iyadoo wareysigaas oo maqal iyo muqaal ah waxaad ka heleysaa shabakadan www.somaliweek.com.

Sidoo kale waxaan wareysanay hooyo somaliyeed oo la yiraahdo Sahro Hirsi Abdulle oo runtii tusaale wanaagsan u ah waalidiinta kale sida caafimaadka qaba ee ay u fahamsan tahay waxtarka cayaaraha iyo waxaan kaloo wareysnay mid ka mid ah cayaartoydii halkaas joogay oo la yiraahdo Isaaq.

Hadaba waxaan halkaan idinkugu soo gudbineynaa warbaxin gaaban oo ku saabsan ururka ay dhiseen Daud Dheere iyo Ahmedey B uguna talagaleen in caruurta somaliyeed ee ku dhaqan magaaladan Toronto.

Somali Youth Basketball Camp

Waa urur madaxbanaan oo tababar u fidiya caruurta dadoodu tahay 10 sano ilaa iyo 17 sano, saldhigooduna uu yahay Toronto Ontario Canada. Waxaa barnaamijkan wada, Qaar ka mid ah ciyaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed. Oo ku nool wadanka Canada.

Daa'uud dheere iyo Ahmedey B, waxay noo sheegeen in Ururkan uu uu albaabada u furan yahay cid alla iyo cidii danaynaysa in ay ilmahooda keeni karaan ayna gacmo furan ku soo dhawaynayaan, ayagoo noo sheegay in ay ilaa iyo hada iska diiwaan geliyeen caruur tiradoodu gaarayso kontan caruur.

Mustaqbalka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed

Qorshaha u dagsan ururka ayaa ah:

1.In laga badbaadiyo caruurtan Qurbaha ku dhalatay dhaqamada foosha xun oo ay ku soo indha furteen kuwaas oo ayna dhaxal u lahayn. Lana baro saaxibka wanaagsan midkuu yahay.

2.In laga dhiso Maskaxda iyo Jirkaba

3. In la baro ixtiraamka Waalidka iyo Walaalka iyo qofkii ka wayn sidii ay ula macaamili lahaayeen

4. In la baro lagana soo saaro ciyaartooy Heer Qaran oo mustaqbalka anfacda Qarankii Soomaaliyeed

Waqtiga Tababarka waa hal maalin wiigiiba, maalinta Sabtida oo keliyah. Saacadu markay tahay 5;30 to 9;30 pm.

Goobta Tababarkana waa: 99 Humber blvd, Toronto Ontario Canada. Tababara yaashu waa: Daud dheere, oo laga heli karo Tel: # (416) 875-4890 iyo Axmadey (B), oo isna laga heli karo Tel: # (416) 854-5706

Mohyadin Jama
Somaliweek@hotmail.com
Toronto