Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

U DIYAAR GAROOWGA TARTANKA RAMADAAN EE KOOXAHA DEGMADA DHARKEENLEY

30 August 2008

Waxaa dhawaan nagu soo food leh, haduu Eebe idmo bishii barakeesneyd ee Ramadaan, sida la wada ogsoon yahayna waxaa meelo kala duwan oo daafaha caalamka ah laga xusaa bishaas ayadoo lagu mamuuso tar tamo kala duwan inkastoo taasi laga haboon yahay, hadana dhalinyaro badan ayaa hobigooda waxa uu yahay in ey ku maamuusaan tartamo sports.

Hadaba degmada dharkeenleey oo ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir ee dalka Soomaaliya ayaa xiligii dagaalada sokeeye wixii ka danbeeyay ka mid ahayd degmooyinka shacabku sida aadka ah u degeen, kuna caan baxday dhanka tar-tamada kubadda cagta.

Si aan wax badan uga ogaano qaabka ey u diyaar garoobayaan snadkaan kooxaha degmada dharkeenleey iyo hadii sanadkaan uuna jirin wax diyaar garoow ah, ayaa waxaa noo suuro gashay in aan kala sheekeysano waxna ka waydiino gudoomiyaha gudiga Olimbikada degmada Dharkeenleey Amiin Cali Muumin.


Amiin Ali Muumin

Gudoomiyaha ayaan waxaan ugu horeyn waydiinay: waa sidee diyaar garoowga degmada Dharkeenleey sanadkaan?

Gudoomiye Amiin wuxuu ku bilaabay hadalkiisa: Bismilaahi raxmaani raxiim ugu horeen degmada Dharkeen leey waxeey caan ku tahay kubadda cagta iyo qabashada tartamada sports-ka gaar ahaan midka bisha Ramadaan, ayadoo tartamadaas ey ka soo qeyb galaan kooxo degmooyin kale ka kala socdo.

Balse sanadkaan waxaa suuro gal inoo aheyn, in aan ku qabano garoonka dhame Yaasiin, waxaase ku qaban rabnaa goobo kale oo kala ah garoomo ku kala yaalo isla degmada gudaheeda sida garoonka Xoosh garoonka Siliga iyo meelo kale, waxay ku xiran tahy go’aanka ka soo baxo madaxda kooxaha hogaamin doonto meesha ay isku raacaan.

Waxaa kaloo laga yaabaa in aan ku qabano garoon aan dhawaan ka furnay isla xaafada Dhame afkeeda hore, waxaana hubaal ah in tartamada aan qabano ka xiiso badan yihiin tar tamada lagu qabto meelaha kale ee ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir. Taas oo ay u sabab tahay in odoyaasha aqoon yahanada cayaaraha ee degen degmadaan ay mar walba isku taxluujiyaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen tayada iyo soo saarida cayaar yahano da’yar.

Gudoomiye Amiin wuxuu hadalkiisii ku soo xiray mahad celin uu u soo jeediyay maamulka website-ka kubadda.com, oo uu yiri “waxaan uga mahad celinayaa sida hagar la’aanta ah ee ay iskugu taxluujiyaan mar walba horumarka sports ee dalka.”

Akhristayaasheena qaaliga ahoow wixii ka soo baxo tartamadaas dib ayaan idinkaga soo sheegi doonnaa haduu Eebe idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football