ISKU AADKA KOOXIHII U SOO BAXAY CHAMPIONS LEAGUE-GA
29 August 2008
Inkastoo kooxda Chelsea bishii May ee kal hore la soo dhaafay lagaga adkaaday rigoorayaal cayaartii Finalka ka dhacday magaalada Moscow ee dalka Rusia hadana waxaa loo qiray in cayaar yahanadooda ay ahaayeen kuwii ugu fiicnaa tartamadii reer Europe ee lagu qiimeeyay shalay oo khamiis ahayd magaalada Monaco Qori tuurkii Champions League-ga.
Abaal marinadii ugu sareeyay ee ay bixiyaan maamulka tartamada reer Europe soo abaabulo ayay qireen in cayaaryahanada kooxda Chelsea, sida: Petr Cech oo ah gool hayaha kooxda (goalkeeper), John Terry oo ah difaac (defender) iyo weliba Frank Lampard oo ka ciyaara qadka dhexe (midfielder) ay kuligood ku guulaysteen in ay ahaayeen sanadii hore kuwii ugu fiicnaa reer Europe boosaskaas ay ka cayaarayeen.
Sidoo kale cayaaryahanka kooxda Manchester United uga cayaara afka hore ee Cristiano Ronaldo ayaa loo magacaabay in uu ahaa cayaaryahankii ugu fiicnaa reer Eurup (Uefa's European Club Footballer of the Year). Ronaldo ayaa tartankii reer Europe ee la soo dhaafay dhaliyay goolal dhan siddeed gool, taasina ku mutaystay abaalmarin kale oo ah werar yahankii ugu fiicnaa sanadka (forward of the year).
Abaal marin bixinta kadib ayaa waxaa la sameeyay qorituurkii iyo kooxaha sidii ay isku arki lahaayeen group ahaan. Afarta koox ee dalka Ingriiska ugu awooda roon ayaa dhamaantood lagu qiimeeyay safka hore (top seeds) hadana loo agaasimay si ayna iskugu dhicin ayadoo la hor dhigay siddeeda qayb ama (group) ee la sameeyay.
Kooxda Manchester United ee uu macalinka u yahay Sir Alex Ferguson ayaa ay isku soo aadeen kooxda Spanish-ka ah ee Villarreal iyo kooxda Danish-ka ah ee Aalborg iyo weliba kooxda haysata horiyaalka Scottish-ka ee Celtic, Group-ka E.
Kooxda Chelsea ayaa iyana kaga soo aaday Group-ka A. Kooxda reer Italy ee sanadkaan cayaarta Finalka gurigooda lagu qaban doono ee Roma, kooxda reer France ee Bordeaux iyo kooxda Romanian-ka ah ee CFR Cluj.
Kooxda Arsenal ayaa iyana kaga soo aaday Group-ka G. kooxaha Porto, Fenerbahce iyo Dynamo Kiev.
Halka kooxda Liverpool kaga soo aaday Group-ka D. Kooxda PSV Eindhoven, Marseille iyo weliba kooxdii uu ka soo tagay laacibka afka hore uga cayaara kooxda Liverpool Fernando Torres ee Atletico Madrid.
Isku aadka Champions League-ga oo dhan wuxuu u dhacay sidan:
Group A
CHELSEA
Roma
Bordeaux
CFR Cluj |
|
Group B
Inter Milan
Werder Bremen
Panathinaikos
Anorthosis Famagusta
|
Group C
Barcelona
Sporting Lisbon
Basel
Shakhtar Donetsk |
|
Group D
LIVERPOOL
PSV Eindhoven
Marseille
Atletico Madrid
|
Group E
MAN UTD
Villarreal
Celtic
Aalborg |
|
Group F
Lyon
Bayern Munich
Steaua Bucharest
Fiorentina
|
Group G
ARSENAL
Porto
Fenerbahce
Dynamo Kiev
|
|
Group H
Real Madrid
Juventus
Zenit St Petersburg
Bate Borisov
|
Dhamaan cayaaraha waxaa la cayaari doonaa maalmaha hoosta ku qoran:
16/17 September
30 September/1 October
21/22 October
4/5 November
25/26 November
9/10 December
Diyaariye: Mohamed Sh. Abdi (Weli)
kubadda.com - London