MAGAALADA BORAMA OO LAGU QABTAY TARTAN CAYAARAHA FUDUD AH
13 August 2008
Magaalada Borama ee xarunta G/Awdal waxaa lagu qabtay shalay tartan in muddo ah la sugayay, orodkaas oo ahaa mid sannad walba 12-ka August lagu qabto magaalada Borama. Tartankaan waxaa soo agaasimay Ururka dhalinyarada AYODA, waxaana ka qeyb galay 60 Ciyaartooy oo dhalinyaro ah, kuwaasoo ordayay 10-ka Km.
Saciid Axmed Dirir
Xarunta Kheyriyada ee magaalada Borama oo xafladii orodka lagu qabtay maalintii shalay oo Talaado ahayd ayaa waxaa kasoo qeyb galay Madaxda shirkada Telesom ee Borama, Madaxda cayaaraha gobalka Awdal, Aqoonyahano, Ganacsato, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo dadweyne fara badan oo daawashada orodka u yimid.
Shacabkii iskugu soo baxay tartanka
Tartankii shalay galab la orday ee 10 KM ayaa waxaa kaalimaha loo kala galay sida tan: -
1. Saciid Axmed Dirir 33 Daqiiqo 22 Ilbiriqsi
2. Axmed Maxamed Shirwac 34 Daqiiqo
3. Faysal Salwadaad 34 Daqiiqo 56 Ilbiriqsi
4. Xasan Cabdi Ibraahim 35 Daqiiqo 20 Ilbiriqsi
Agaasimaha AYODA Axmed Abuubakar oo Saxaafada kula hadlay goobtaasi ayaa aad ugu farxay qaabka uu u dhacay tartankaasi, waxuuna sheegay in sannad walba ay qabtaan xiligaan oo kale. Agaasimaha waxa uu xusay inay gacan ka siiyeen taaba galinta tartankaan Dhalinyarada qurbo jooga iyo shirkada Telesom oo gacan weyn iyada ku bixiso howlaha horumarka gobalka. Agaasimaha waxuu sheegay in bishaan gudaheed xaflad ay ku qaban doonaan hotelka weyn ee Rays halkaasoo abaalmarino ay ku gudoonsiin doonaan dhalinyarada kaalmaha ugu horeeya ka galay tartanka.
Maamulaha shirkada Telesom C/qaadir Aadan Nuur oo ka hadlay xafladaasi ayaa aad ugu hambalyeeyay dhalinyarada ka qeyb gashay tartankaasi, waxuuna sheegay inay yihiin dhalinyaro dadaal badan.
Mudane C/qaadir Aadan Nuur waxuu xusay in shirkadiisa Telesom diyaar u tahay inay abaalmarino guddoonsiiso dhalinyaradaasi kaalmaha wanaagsan galay, waxuuna sheegay in tartanka noocaan ku baraarujinayo dhalinyarada inay Cayaaraha galaan oo jirkooda dhisaan isla markaana dhalinta kasoo leexiyaan sinada balwada ama muqaadaraadka.

Maamulaha shirkada Telesom Cqaadir Aadan Nuur
Si kastaba ha ahaatee, tartankaan orodka ee sannad walba lagu qabto magaalada Borama waxaa ka qeyb gala dhalinyaro aad u tira badan kuwaasoo aad ugu faraxsan tartankaasi oo aad isku bara dhalinyarada isla markaana dhalinta ku boorinaya inay la leexdaan waxyaabaha xun xun oo ay usoo jeestaan Cayaaraha.
Xigasho: Xafiiska Midnimo ee Muqdisho
By: Nuuradiin Macalin Mukhtaar
nuradiin007@hotmail.com