MACALIN IBRAHIM SUUDAANI OO SI WADA JIR AH LONDON LOOGU SOO DHOWEEYAY
10 August 2008
Waxaa xalay oo Axada ahayd 10/08/2008 ay fiiddkii ku kulmeen Bahwaynta Isboortiga reer London iyo marti sharaf aad u tiro badnayd oo ka kala timid wadamo badan oo aduunka dacaladiisa ah, kuwaas oo ka qayb galay Casho Sharaf lagu qabtay restaurant-iga bilicda san ee YASMIN RESTOURANT oo ku taal galbeedka London.
Xafladan oo si aad u heersareysay loo soo abaabulay ayna soo agaasimeen bahwaynta Isboortiska woqooyiga galbeed ee magaaladan London oo uu horsed u ahaa Maxamed Buube, ayaa lagu qaderinayey laguna soo dhoweynayey macalin Ibrahim Maxamed Xirsi oo loo yaqaan macalin Ibrahim SUUDAANI.
Iskuduba ridaha kulanka Maxamed Buube



Hadaan wax yar ka xusno taariikhda macalin Ibrahim Suudaani wuxuu ugu horayn u saftay kooxdii ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed bilawgii 1969-kii, kadibna u wareegay kooxda 21ka Oktoobar, markii loo bedelay kooxihii Xooga iyo Boliska Xornimo (Independente) iyo 21 Oktoobar.
Wuxuu Ibraahim ku sii wareegay kooxda BAKAAL kadib markii laysku daray DIRIR iyo BAKAAL wuxuu Macalin Ibraahim ka mid ahaa asaaskii naadigii magaca dheeraa ee HORSEED. Macalin Ibraahim wuxuu ka tirsanaa xulka qaranka Soomaaliyeed intii u dhexeysay 1969 ilaa iyo 1973.
Waxaa macalin Ibraahim u safray dalka Jarmalka sanadkii 1974 ilaa iyo 1975, halkaa oo uu ka mid ahaa 60-kii qof ee ka socday 24-ka dal, halkaas oo uu ka galay kaalinta 1aad. Macalin Ibraahim wuxuu noqday Tababare kooxda Horseed ilaa iyo 1980-kii. Kooxda Horseed waxay ku guulaysatay intii uu hayay:
1. Koobka General Dauud 1
2. Horyaalka Ciidamada Carabta 1
3. Horyaalka Soomaaliya 4
4. Horyaalka Bariga iyo Bartamaha (KAALINTA 2aad)
Waxaa macalin Ibrahim ku noqday Horseed sanadkii 1990 iyadoo kooxda Horseed ku jirtey kaalinta 8aad balse uu gaarsiiyey kaalinta 3aad.
Macalin Ibrahim wuxuu tababre ka noqday dalka Qadar sideed (8) sanadood iyo dalka Sacuudiga sagaal sanadood. Haddana wuxuu ku noolyahay magaalada Minnesota ee dalka Maraykanka.
Waxaa xafladii ka hadlay ciyaartodii hore ee Horseed Shidane, Maxamed Ismaciil, iyo Biyooley oo dhamaan ka hadlay xirfadii iyo degganaantii uu u maarayn jirey kooxda. Waxaa kale oo joogay Burci iyo Siciid CEEROW.
kabilow midig Shidane, Maxamed Ismaciil,macalin Ibrahim Suudaani iyo Biyooley
kabilow midig Maxamed Sheikh, Max'ed Ismaciil, Dhame, macalin Ibrahim Suudaani iyo Cabdi Xalwo
Macalin Shiino iyo Garsoore Xalane
Waxaa xafladada goob joog ka ahaa rug cadaa aad u fara badan oo isugu jiray rag iyo dumar. Waxaana ka mid ahaa marti sharafkii kubadda kolayga ee ka yimi Maraykanka iyo Kanada, Jarmalka, Holland iyo bahweynta Isboortiga ee magaaladan London oo aan hal hal halkan loogu soo koobi Karin.
Waxaa soo Diyaariyay: Xasan Faarax (John)
Kubadda.com - London