Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXDA GABDHAHA HEEGAN OO HANATAY HORYAALKA 3AAD EE KUBADDA GACANTA SOOMAALIYA

29 April 2008

Waxaa shalay magaalada Muqdisho, gaar ahaan garoonka da’aada weyn ee ex-Luujino lagu soo gaba gabeeyay horyaalkii seddaxaad ee kubadda gacanta gabdhaha dalka Soomaliya.

Horyaalkan oo horay u soo biloowday 22/03/2008 kana soo qeyb galeen 4 kooxood oo gabdho ah ayaa kulankii kama danbeesta ahaa shalay ay fooda is dareen kooxaha gabdhaha Heegan iyo gabdhaha Halgan.

kooxda Heegan

kooxda Halgan

Labada kooxood ayaa dhibco ahaan kala watay: kooxda Heegan 12 dhibcood halka Halgan ey ka lahayeen 9 dhibcood. Sidaas daraadeed kooxda Heegan xataa bar bar dhac guul bay u ahayd, balse hadii kooxda Heegan laga badiyo waxaa la cayaari laha kulan kale oo isku celis ah.

Cayaartan ayaa in mudo ah la sugayay lana filayay in mar hore ay dhacdo balse buuq ka dhashay xagga kooxaha dhexdooda ayaa sababay in ilaa xal looga helo buuqa dhex galay kooxahaan aan la qaban cayaartaan.

Mar aanu waraysanay midka mid ah maamulka qaban qaabada ayaa wuxuu noo sheegay in is fahmi waagu uu ka yimid kadib markii la ganaaxay gabdhihii ku cayaarayay magacii Horseed kulankii adkaa ee u dhaxeeyay Horseed iyo Heegan kaasi oo ahaa kulan dadweynaha reer Muqdisho gaar ahaan bahdii xiiseyneysay horyalkii kubadda gacanta ey wada sugayeen uuna fowdo iyo qalalaaso ku dhamaaday. Taas oo ey sabab u ahayd in laysku qabsado cayaartooy laf dhabar u ahayd kooxda Horseed oo u wareegtay gabdhaha kooxda Heegan.

Mudo dhowr mar ah ayay labadaas koox isku soo hareen cayaar kama danbayn ah ama munaasabadeed marka waxaa ka dhexeeyay ficil xoogan, maadaama ey labadan kooxoodba ahaayeen kooxo si aad ah ugu xifaaltamo cayaaraha eyna yihiinba labada kooxood ee ugu awooda roon marka loo eego dhanka cayaaraha kubadda kolayga iyo gacantaba waqtigaan xaadirka ah.

Inkastoo uuna jirin sharci cayaartooyga ku qasbaayo in uu koox ku hakado ama u hogaansamo sharuucda kooxi leedahay, maadaama uuna jirin dhaqaale iyo wax heshiis ah oo la kala galo waqtigaan xaadirka ah ayaa waxaa loo aanaynayaa in kala qaadashada gabadhaasi ay keentay xasarada adag oo ilaa heer gacanta leeskula tago cayaartooy iyo maamulba gaartay. Balse nasiib wanaag dadaal ey sameeyeen maamulka cayaraha kubadda gacanta iyo kan Gudiga Oliymbikada Soomaaliyeed ayeey ku guuleesteen in la dhameeyo qilaafkii iyo xasaradii u dhaxeesay labada koox.

Sidaasi darteed ayaa gudiga cayaraha kubadda gacanta uu ganaaxay kooxda gabdhaha Horseed mudo dhan hal sano halka seddaxda cayaar yahan oo kooxda ka tirsana la ganaaxay min labo sano. Kuwaas oo lagu kala magacaabo Suweys, Maryan dheereey iyo Fowziyo Jabiiba.

Taasi oo fursad u noqotay kooxda Halgan maadaama Horseed meesha laga saaray jaanisna u heshay in ay final la cayaaraan kooxda Heegan cayaartyii shalay oo isniin aheyd dhacay.

Hadaba cayaartii la wada sugayay ee u dhaxeesay kooxaha Heegan iyo Halgan ayaa ay shalay ku wada kulmeen garoonka ex-luujino ayadoo cayaarta ay garsoorayaal ka ahayeen Maxamed Farax Muxudiin iyo Ibraahin Reediyoow.

Daawashadii cayaartan ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne farabadan oo kor u dhaafayay kumaan kun iyo madax aad u faro badnayd oo ey ka mid ahaayeen qaar ka tirsan madaxda Gudiga Olombigada Soomaliyeed oo uu ugu horeeyay kuxigeenka GOS ahna gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee kubadda kolayga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish, gudoomiye ku xigeenka GOS ee xagga Gobalada Xaaji Coloow, gudoomiyaha xiriirka Soomaliyeed ee Volley ball-ka Prof. Cadoow, mid ka mid ah madaxda saraakiisha dowladda ku meel gaarka oo lagu magacaabo Dhuungaal iyo marti sharaf kale oo uu ka mid ahaa mudane Maxamuud Cali Ugaas, C/ casiis Goodax iyo qaar tiro badan oo aan halkaan magacyadooda ku soo koobi Karin.

Kulankan ayaa ahaa mid aad u adkaa labada kooxna waxeey soo ban dhigeen cayaar aad loo jecleestay ayadoo leysku jilba murxay qeybtii hore ee cayaarta laguna kala nastay 4 - 2 gool, oo ey ku hogaaminayeen kooxdii Heegan.

Balse markii dib leysugu soo laabtay qeybtii danbe ee cayaarta ayaa waxaad moodaa in laga awood roonaa kooxdii ku cayaareysay magacii Halgan waxeyna u muuqdeen in laga fir fir coonaa lagana adkeesi wanaagsanaa madama ey qeybtii hore aheyd mid aan la kala tabar rooneen.

Inkastoo calaamada cas ama gaduudka loo yaqaano laga siiyay mid ka mid ahayd cayaar yahanada dhawaan ey kooxda Heegan kala soo wareegeen kooxdii Horseed ee lagu magacaabayay Aamaay, hadana waxba kama bedelin qaab ciyaareedkooda kooxda Heegan, waxayna si aan caadi ahayn jaanta isula heleen qaybtii danbe ayagoo keensaday 14 gool halka ay kooxda Halgan dhaafi waayeen 5 gool.

Sidaasina ku noqdeen gabdhihii hantay horiyaalkii 3-aad ee kubadda gacanta dalka Soomaaliya ayadoo kii wiilashana ey horay ugu sii xalaaleysteen wiilashooda bishii hore dhamaadkeedii.

garsoore Faraxeey oo gaduud siinaya laacibada kooxda Heegan Aamaay

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football