Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

KOOBKII JANARAAL DAA’UUD 2008 EE KUBADDA KOLAYGA SOOMAALIYA OO LA FURAY

27 April 2008

Waxaa maalintii Jimcaha taariikhduna ku beegneyd 25/04/2008 si rasmi ah uga furmay garoonka Ex-Luujino ee degmada C/casiis koobkii Janaraal Daauudka ee Kubadda Kolayga dalka Soomaaliya.

Kulankaan ayay soo qaban qaabiyaan Gudiga Olmbigada Soomaaliyeed ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan G.O.S. Daawashada furitaanka koobkan Janeraal Daa’uud ayaa waxaa ka soo qayb galay dadweyne kor u dhaafayay kumanaan kun.

ku xigenka Gudoomiyaha xiriirka k kolayga Roonbe oo ka had layay furitaankii tar tanka

Waxaana ka hadlay xafladdii furitaanka mas’uuliyiin fara badan oo uu ka mid ahaa gudoomiye ku xigeenka G.O.S. marna ah gudoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda kolayga mudane Aadan Xaaji Yabaroow (Wiish), ku xigeenkiisa dhanka kubadda kolayga mudane Roonbe, C/casiis Goodax Barre, qaar ka tirsan xiriirka G.O.S. iyo weliba marti sharaf kale oo aad u fara badnayd.

Tartanka sanadkan ayaa waxaa ka qeyb galayay 10 kooxood oo Wiilal ah iyo 4 kooxood oo gabdho ah, kuwaasi oo loo kala qeybiyay 2 Groub A iyo B. Iskui aadka jadwalka ka soo baxay xiriirka ayaa asna u qornaa sida hoosta ku qoran:

Cayaartii furitaanka ayaa waxaa nasiib u yeeshay in ay fooda isku daraan kooxaha wiilasha kubadda kolayga Heegan iyo Al Shacab. Kulankan ayaa ahaa mid aad u adkaa, labada kooxoodna ay soo bandhigeen cayaar farsamadeedu aad u saraysay oo aad loo jecleestay.

kooxda Heegan

kooxda Al Shacab

Kubadda markii uu garsoorihii kor u tuuray sida caadadu ahayd ayaa labadii kooxoodba waxeey bilaabeen dar dar xoogan oo ey koox waliba ku weerareeyso kooxda ka soo horjeeday. Waxaa lays dhaafsaday goolal daraan dori ah, oo kooxiba ay kooxda kale ka dhalinaysay.

Gari labo nin kama wada qoslisee, waxaa ay kooxda Heegan ku sabir siiyeen xarfaantii ku cayaareysay magacii Al Shacab iskoor dhan 59 dhibcood, halka ey xarfaantii Al Shacabna ka badin waayeen in ey shabaqa Heegan ku hafiyaan 31 dhibcood.

Kulankii maanta dhacayay ayaa galabta oo taariikhdu ahayd 27/04/2008 waxaa fooda is dareen kooxaha wiilasha Horseed iyo Jaaliyadda. Kulankan oo asna ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxaa garsoorayaal ka ahaa Fiidoow iyo Cumar Xasan. Waxaana 47 dhibcood ku badiyay kooxda Horseed, halka ay kooxda Jaaliyada kala yimaadeen 26 dhibcood.

Hadaba wixii natiijo ah ee ka soo baxa guud ahaan koobkan Jenaraal Daa’ uud ee kubadda kolayga Wiilal iyo Gabdhaba waxaan jecelnahay in aan si joogto ah aan idiinkula soo socodsiin doonno haduu Eebe idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football