SHIR SANADEEDKII URURKA SEUKI OO SI HABSAMI LEH SANADKAAN UGA DHACAY MAGAALADA LONDON
22 April 2008
Shir sanadeedkii ururka Somaliska Europiska Ungdom Kultur och idrott ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SEUKI ayaa sanadkaan ka dhacay dalka Ingriiska xaafada Harlesden ee magaalada London asagoo shirkaasi sanadkaan u dhacay si aan horay loo arag loona maqal, kaas oo kulmiyey dhamaan bahweeynta Sportiga deggan magaalada London iyo waliba agagaarkeeda.
Maamulka iyo asxaabta ka soo qaybgashay xafladda
Shirkan ayaa waxaa qabanqabaadiisa si wada jir ah uga qeyb qaatay xubno
ka tirsan ururka SEUKI ee reer London iyo waliba kooxaha ka cayaara
cayaaraha xagaaga ee degan magaalada London, iyadoo uu guddigan
qabanqaabada guddoomiye u ahaa Sheekh Mukhtaar Shuute, ayna ka mid ahaayeen
xubnahaas xafladdan quruxda badan soo agaasimay Maxamed Cali Weerow, Bile
Cali Xamaal, Axmed Bile, Maxamed Khaliif, Daahir Gacameey, Cabdirisaaq
Seef, Macallin Zakariya, Xarbi Cali iyo Xasan Dhuudhi.
Wafuuda ka kala soctay kooxaha iyo waliba guddiga SEUKI ayaa waxeey
degnaayeen HotelIbis oo garabka ku haya Garoonka weyn ee caanka ah ee
Wembley Stadium. Balse tirada dadka lagu casuumay shirka oo aad u badneyd aawgeed
ayaa guddiga qabanqaabadu waxeey xafladda u wareejiyeen Restaurant weyn oo
ku yaal xaafadda Harlesden oo ku dhaw xaafadda Wembley.
Shirkan oo uu xiriirinayey Mr. Sola oo ah wariyaha Barnaamijka Sportiga Telefishinka Afka Soomaaliga ku hadla ee Universal TV. Xafladda ayaa waxaa markii ugu horeeysay lagu furay aayadaha quraanka iyadoo ka dibna lagu soo dhaweeyey makirafonka
shirgudoonka shirkan, islamarkaana ahaa guddoomiyaha guddiga qabanqaabada
shirka Sheekh Mukhtaar Shuute isagoo halkaana u mahad noqay kuna soo dhaweeyey dhamaan marti sharafta ka soo qeyb gashay shirkan oo ay u dhamaayeen odayaashii
iyo cayaartooydii hore kuwooda ugu magaca dheeraa dalkeenii.
Soo dhaweeyntaa ka dib ayaa waxaa islamarkiiba la qeybiyey cuno fudud oo ay
shaqaalaha Restaurant-iga weyn ee shirku ka dhacayey ugu talagaleen ilaa iyo100-ka ruux ee marti sharafta ahayd ee lagu soo casuumay shirsanadeedkan SEUKI.
Gudoomiyaha ururka SEUKI Cabdi Cumar Afrax oo lagu soo dhaweeyay micraphonka
Markii cashadii fududeeyd iyo salaadii maqrib laga soo laabatay ayaa
wariye Sola waxaa uu mar kale Mikrofonka ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha
ururka SEUKI Cabdi Cumar Afrax, oo ka war bixiyey waxqabadkii ururka SEUKI
intii uu dhisnaa iyo waxyaabaha uu mustaqbalka tiigsanayo ururku, isagoo
halkaana uga mahad celiyeye marti sharaftii ka soo qeyb gashay kulankan
iyo waliba xubnihii sidan qaabeeysan u soo abaabulay xafladda.
Shirkan ayaa sidoo kale waxaa lagu dhameeystiray heshiis ay hore labada
urur ee SEUKI iyo EUROSOM ku kala saxiixdeen magaalada Leicester kaasoo ka
koobnaa lix qodob, oo qodab ka mid ah uu ahaa in la abuuro guddi farsamo oo
ka socda labada urur si ay u soo xulaan cayaartooyda ka cayaarta labada
tartan guddigaas oo haatan la magacaabay, waxaana dhanka SEUKI u matalaya
guddigaas 1- Sheekh Mukhtaar Shuute 2- Daahir Cusman Faarax (Gacameey)
iyo Bile Cali Xamaali, halka ururka EuroSom ay matalayaan 1- Macallin
Bashiir Cabdi Daahir 2- Sabiriye Gaabow iyo 3 -Yuusuf Maxamed Cabdi.
Shirkan ayaa waxaa hadalo aad u qiireysan ka jeediyey halyeey Maxamed
Ismaaciil Cali oo aad ku wada xasuusataan koxdii Horseed iyo xulka Qaranka
Soomaliya isagoo carabka ku dhuftay in dabka ka holcaya Sportiga magaalada
Stockholm ay baasiin ku shubayaan dad tiro yar oo reer London ah isagoo
aad ugu celceliyey in inta yar ee hormarka Sportiga hortaagan la iska
qabto.
Waxaa sidoo kale hadalo wanaagsan halkaa ka soo jeediyey Guddoomiye ku
xigeenka GOS Mudane Duran Axmed Faarax oo halkaa ka soo jeediyey hadalo
guubaabo ah oo ku socda dhamaan bahda Sportiga dalkeena sidoo kale waxaa
isna hadalo ku saabsan wada shaqeeynta labada urur ee SEUKI iyo EuroSom
halkaa ka soo jeediyey Guddoomiyaha urur EuroSom Maxamed Diini, waxaa kaloo
halkaa hadalo qiimo leh ka soo jeediyey Macallin Shiino Guhaad, Yaasin
Maxamed Bulsho , Abdulqadir Xuseen Isoomareey , Axmed Cilmi Faarax,
Cabdulqadir Maxamed Farax Birirq, Shuceeyb Jumcaale Barre iyo Abuukar
Cali.
hablihii kubadda kolayga u cayaari jiray dalkeena
Sidoo kale waxaa halkaa ka hadlay qaar ka mid ah hablihii kubadda kolayga u cayaari jiray dalkeenii oo ay goobjoog ka ahaayeen Bakiin Maaxi, Diib Cabdi Jaamac,
Shukri Dhalbaas, Miski iyo qaar kaloo badan o aan halkan ku soo koobi
karin.
Xafladdan quruxda badan oo aad dhawaan ka daawan doontaan Universal TV
ayaa waxaa lagu dhameeystiray qorituurkii sanadkan 2008 ka dhacaya
magaalada Stockholm oo waliba sanadkan cayaaraha SEUKI ay u ciidayaan 10
guuradii cayaaraha xagaaga ka dhaca magaalada Stockholm, maadaama uu
fikirka qabashada cayaarahan lahaa halyeey Cawad Xasan oo ka tirsan ururka
SEUKI iyo waliba qaar ka tirsan kooxaha ka cayaara, cayaaraha ay qabtaan ururka SEUKI oo ka mid ahaa kuwii soo bilaabay ayaa wuxuu ururka SEUKI sanadkan si gaar ah u xusi doonaa 10 guurada cayaaraha xagaaga Stockholm.
Waxaa sidoo kale halkaa hadal gaaban ka soo jeediyey Guddoomiya kooxada
Xiddigaha Rågsved oo ku hadlayeye magaca kooxaha maadama ay soo wakiisheen
isagoo ka hadlay hormarka degdegga ah ee ay cayaarahan xagaaga SEUKI
gaareen iyo sida ay hore ugu socdaan.
Shirkan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa nin ka mid ah kuwa Adduunka ugu dheer oo dhalashadiisu tahay Somali, laguna magacaabo Xuseen Bissad oo halkaa isagana fikirkiisa ka dhiibtay kaas oo soo jeediyey hadalo gubaabo ah , sidoo kale waxaa xafladdan goob joog ka ahaa websiteyada kala ah Kubadda.com, Somali Sport iyo Markacadey.net.
Ururka SEUKI ayaa wuxuu mahad ballaran u dirayaa dhamaan bahdii Sportiga
ee ka soo qeybgashay shirkan gaar ahaan Bashiir Mursal, Mr Sola , Maxamed
Buube iyo dhamaan inta gacanta ka geeysatay bilicsamida xafladdan.
Isku aadkii tartanka ayaa wuxuu noqday sida hoos ku xusan:
Group A |
|
Group B |
|
Group C |
Swisserland |
|
Sokao Bergan |
|
Midnimo (Göte) |
Leicetare |
|
Sonpet (Fin) |
|
Ilamos |
Olympic Danmark |
|
Tillbrug ( Holland ) |
|
Qaran |
Xiddigaha Rågsved |
|
London Star |
|
Streatham |
Gabagabadii shirkan ayaa waxaa hadal gaaban ka soo jeediye Cali Nuur
Garaash, oo ka tirsan odayaasha Sportiga magaalada Stockholm isagoo halkaa
ka sheegay sida uu ula dhacay shirkan quruxda badan isla markaana wuxuu
sheegay in qorituurku uu u dhacay si cadaalada ah oo ay koox walba ku
qanacsan tahay.
Mohamed Sh Nuur
admin@ceelbuurnet.com