Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KULANKII LABAAD EE XALINTA QILAAFKII ISBOORTIGA GOBOLKA HIIRAAN

19 April 2008

Kulankii Shalay oo khamiis ahayd lagu balansanaa ee xalinta qilaafka isbortiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa labada dhinac iyo rugcadaaga isbortga dalka ahna dhaxdhaxaadiyaha raga isku hayo isbortiga gobolka hiiraan Cabdi Guuleed ay isla garteen in waxii qilaaf ahaa ee horay u jiray laga tanasulo isla markaana guddi aan labada dhinac ahayn oo ka socdo ragi isbortiga gobolka Hiiraan caanka ku ahaa loo diro maamul isborti oo loo dhan yahay laguna qanacsan yahay.

Waxaa goobta shirka labada dhinac ay sheegeen in ay ka tanaasuleen xilalka ay kala sheeganayeen waxaana ay u muuqatay goobta shirka mid is fahan ka dhacay xalinta uu wado rugcadaagan Cabdi Guuleed iyo raga kale oo shalay ku soo biiray oo kala ahaa C/laahi waran, Khalif Onod, Tallman, Caley tiirgaab, Xassey Nuur, Cawil Aadan Jiis iyo Celiye.

Ragan caanka ku ahaa isbortiga dalka iyo gobolka ayaa kula taliyay labadan dhinac ee is diidan in ay waxii hore ka gudbaan oo ay gacmaha isqabsadaan maadaama horay loo yiri “gacmo wada jir bay wax ku gooyaan” waxayna ugu sheekeeyeen waagii hore iyo isbortiga gobolkan Hiiraan heerkii uu gaarsiisnaa waxayna intaasi u raaciyeen cidii noqotoba gudoomiyaha isbortiga gobolka looga fadhiyo isbadal iyo dib u nooleyn ciyaarihii kala duwanaa ee isbortiga maadaama hada gobolka laga ciyaaro uun kubadda cagta waxayna kuwa kale laga doonayaa bay yiraahdeen wada shaqeyn aad u sareyso.

Waxaa sidoo kale la filayaa in gudiga soo dhicayo maamul isborti oo loo dhanyahay islamarkaana lagu qanacsanyahay ay ku soo biiraan ciyaartoydii hore ee gobolka hadana howlo ganacsi ku jira sida Coonka boortiyeeri Yuusufey iyo kuwo kale oo badan kuwaasoo labada dhinac ee isku hayay maamulida isbortiga gobolka hiiraan ay ku kalson yihiin sida ay wax u soo dhisaan.

Guddigan ayaa waxaa looga fadhiyaa maalmaha inasoo hayo, howl adag iyo shaqo badan walow bahweynta gobolkan ee danaynaya arrimaha isbortiga gobolka ay ka walwalsan yihiin in isbedal ay keento labadan koox mid ka mid ah oo hadii ay sideey doonto ka wayso, maamulka guddigan soo sameeyo. Laga yaabo in meesheedii hore iyo meel ka fog u laabato, dib u dhacna u keento isbortiga gobolka.

Sikastaba ha ahaatee, shirarkan lagu xalinayo qilaafka ka taagan maamulka isbortiga gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli wax xiriirada kala duwan ee isbortiga uusan ka jirin gobolka marka laga reebo xilka laysku hayo oo ah gudoomiyaha iyadoo sidoo kalana wax tayo ah aysan lahayn ciyaartoyda heer gobol iyo degmo midba. Dhinaca kalena hadii lagu guuleyso xalinta qilaafkan, shaqo badan ayaa u taalo cida ay gudigaan u soo magacaabaan maamulka isbortiga gobolka hiiraan iyo sidii ay wax ku hor marin lahaayeen.

Ilyaas Axmed Cilmi
guute@kubadda.com
Xafiiska Kubadda
Hiiraan - B/weyne

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football