Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 18, 2012

MARKII UGU HORAYSAY IN MUDDO AH OO UU QARANKA KUBADDA CAGTA SOOMAALIYEED KA BADIYO KOOX KALE

19 April 2008

Waa wax lagu farxo in mudo ahna la sugayay in bogga qoraalka cayaaraha kubadda cagta Soomaaliyeed mar uun lagu daabaco (BADIS) maxaa yeelay qof walbaa waa jecel yahy in heebtiisa wanaag looga soo sheego, waxaase horay nooga badatay waa dadaaleen waasa laga badiyay.

Shalay oo bishu ahayd 18/04/08 ayaa xulka Qaranka kubadda cagta juunyarka Soomaaliyeed ee da’doodu ahayd kuwa ka yar 20-ka sano kula cayaareen dalka Jabuuti xulka juunyarka dalka Kenya.

Mar aan qadka isgaarsiinta kula xeriirnay kabtankii xulka qaranka waawayn balse hada ka tirsan wafdigii raacay xulka qarana juunyariska Soomaaliyeed mudane C/qaadir Cumar Ibraahim oo lagu naanayso (Gaduudoow). ayaa noo sheegay in dhalinyaradaan ay cayaareen cayaar aad u xiiso badnayd oo hab weerar ah ku salaysnayd. Kadib markii laysku baastay kubadda dhowr daqiiqo kadib waxaa xulkeenii u suurto gashay in ay helaan Rigoore ama gool ku gan oo uu u soo istaagay in uu darbeeyo laacibka lagu magacaabo Maxamed Nuur Shaarkeey si fiicana u daba mariyay goolhayihii kooxda Kenya. Cayaartiina waxay noqotay 1 – 0 ay xulka dhalinyarada Soomaaliyeed ku hogaaminayeen cayaarta.

Taasi waxay gelisay dhalinyaradii hami ah in ay dadaalkooda sii kordhiyaan si ay gool kale ku dhalin lahaayeen. Is fahamka kooxda ayaa ahaa mid aad u wanaagsan waxaana mar labaad u suurto gashay in ay goolkii labaad helaan kaas oo uu u dhaliyay mid ka mid ah laacibiintii sanadkii hore ku haray dalka Jabuuti oo hada u cayaara koox ka tirsan dalka Jabuuti oo lagu magacaabo C/casiis Maxamed Cali Hoomeey, Cayaartiina waxay noqotay 2 – 0 ay xulka dhalinyarada Soomaaliyeed ku hogaaminayeen cayaarta ilaa iyo dhamaadka qaybtii hore.

Markii laga soo laabtay nasashadii qaybtii hore ayaa waxaa dib u bilaabatay cayaartii. Waxaad mooday in dhalinyaradaan ay niyada gashteen in ay badinayaan cayaarta, waxay wax xoogaa gaabiyeen weerarkii tirade badnaa ay samaynayeen qaybtii hore. Taasina waxay dhalisay in gool ay helaan kooxdii xulka juunyarka dalka Kenya, Cayaartiina waxay noqotay Somalia 2 – 1 Kenya.

Intaa wixii ka danbeeyay waxaad mooday in ay laba-laabeen dadaalkoodii, inkastoo aan goolal kale la kala dhalin cayaartii waxay ku idlaatay xiligii loogu tala galay 2 – 1 ay ku badiyeen xulkii Soomaaliya.

Cayaartaan cayaarta xigta ayay dhawaan xulka la ciyaari doonaan cayaartii labaad xulka Nijar oo ay gurigooda kula soo cayaari doonaan kuwaas oo kulankii hore ee lagu qabtay dalka Jabuuti taariikhdu markay ahayd 11/04/2008 xulka Soomaalida looga badiyay 3 – 0 gool.

Kabtanka xulka Qaranka waawayn mudane Gaduudoow oo cayaaraha dhamaan goob joog ka ahaa kana mid ah wafdiga daadihinaya xulka kuwa dada yar, ayaa wuxuu noo sheegay cayaartii hore ee xulka laga badiyay xataa in xulka Niger ay u safnaayeen cayaar yahano ka da’ wayn qorshihii cayaarahaan loogu tala galay. Waxaana uu yiri waxaa u safnaa qaar ka mid ah kuwii uu hada ka hor cayaaro kuwa qaranka waawayn ay isku arkeen. Wuxuuna macalimiinta waday Qaranka ka codsaday in uu dheelo cayaartaas qaybteedii danbe, balse ay macalimiintii xulka Qaranka waday yiraahdeen hadii ay ayagu qaldameen anagu ma rabno wax magac xumo noo keenaayo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football