Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, September 07, 2010

DUGSI BARASHADA KUBADDA KOLAYGA AH OO LAGA FURAY MAGAALADA LEICETER

18 April 2008

Sabtidii la soo dhaafay ee ay bishu aheyd 12-ka Apriil 2008 ayaa waxaa magaalada Leicester ee cariga Ingriiska laga furay dugsi tababar kubadda kolayga ah oo uu furay macalinka wayn Cumar Anyeelo, oo ka mid ah bahwaynta kubadda kolayga hada u soo jeesatay sidii ay u horumarin lahaayeenmustaqbalka kubadda kolayga Soomaaliyeed, kuwaas oo ku midoobay Ururka isku taga cayaartooyda kubadda kolayga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SSIFO (Somali Sports & International Freindship Organisation).

macalin Cumar oo caruurta tababarayo

Munaasabada furitaanka dugsigan cusub ee hormarinta Isboortiga siiba Basketballka. ayaa laga casumay dhammaan indheer garadka Soomaaliyeed ee magaalada Leicester iyo martisharaf kale oo uga timid magaalada London. Xaflada iyada ah waxaa abaabulay qubaraa ku xeel dheer kubbada Koleyga oo isugu jira macallimiin iyo dhallinyaradii kubbada koleyga hore ee cuslaatay.

Bashir Cabdi Daahir, Avvocato Dahir, Cumareeto, Warsame Tahliil, Eng Bana, Cabdiqani Jeenyo, Cumar anyeelo iyo Cumar Mama

Mar uu nala soo xiriiray macallinka isku dubaridaha marna ah macallinka Xulka Qaranka Soomaaliyeed Cumar Anyello, ayaa noo sheegay in tani ay ahayd fakir mar hore loo baahnaa balse hada lagu dhaqaaqay. Waxaan kaloo waydiinay magaca dugsiga kaas oo uu inoogu sheegay in loo bixiyay (Anyeelo Basketball School).

Caruurta iyo macalimiintooda

Cumar waxaan waydiinay dugsigu ma barashada kubadda kolayga oo qur ah baa mise waxyaabo kale ayaa lagu baran doonaa?

Cumar wuxuu noogu jawaabay maya waxaan rajaynaynaa in aan caruurtaan barno xirfado kala duwan ee cayaaraha ah. Sida kubadda kolayga iyo kubadda miiska.

Cumar waxaa kaloon waydiinay, cida ka taakulayn doonto barida kubadda miiska caruurtaan reer Leicester?

Cumar wuxuu inoo sheegay in uu yaraantiisii dheeli jiray kubadda miiska uuna aqoon durugsan u lee yahy cayaarida kubadda miiska, jecelyahayna in uu mar casuumo Mucjisadii kubadda Miiska Magan Daahir, oo ka mid ah Horiyaalada Adduunka cayaarta kubadda Miiska.

Xaflada furitaanka dugsiga cusub ayaa uu xiriga ka gooyay Gudomiyaha K/Xigeenka Xiriirka Soomaliyeed ee K/koleyga ahna head of development Ing Bana Cabdalla Cali oo ay wehliyaan Macaliin Bashiir Cabdi Dahir iyo Gudoomiyaha young generation Cabdiqani Jeenyo.

Macalin Cumar anyeelo wuxuu halkaas uga mahad celiyay dhamaan intii gacanta ka siisay hirgelinta mashruucaan iyo waalidiintii ku taakuleeyay in ay ka soo diiwaan geliyaan caruurtooda dugsigaan cusub. Waxuuna si qaas ah ugu mahad celiyay macalimiintii howsha ka saaciday oo uu yiri ma iloobi karo gacanta walaaltinimada leh ee ay ii fidiyeen walaalahayga igula nool magaalada Leicester oo kala ahaa:

Macaliin Cumar Mama, macalin C/qaadir Biina, macalin Siyad cumareto, macalin Warsame Tahliil iyomartisharafta kala ee kula nool magaaladaas Leicester sida:

Avvocato Dahir Doros
Dr Bilyan cade iyo
Dr Abdirahman Nuur.

Waxaa soo diyaariyay:
C/rahmaan Aadan Nuur
Xoghayaha HBAA

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football