WAR SHEEGAYA IN DOWLADDA FEDERAALKA AY XIRTAY SHALAY SUXUUFIYIIN SOOMAALIYEED
18 April 2008
Mid ka mid ah qorayaasha ururka saxuufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed ee hada nagula nool magaalada London oo lagu magacaabo Yuusuf Yuusuf , ayaa noo sheegay in xalay oo ay taariikhdu ku beeganayd 17 April 2008 saacadu markii ay ahayd 9:00 habeenimo, xabsiga xarunta CID-da laga sii daayay saxuufiyiin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka ururka saxuufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse Maxamed Cusmaan iyo Shaafici Muxuyadiin Islow.
Masuuliyiintan ayaa shalay 12-kii duhurnimo waxaa laga kexeystay xarunta idaacada Codka Nabadda ee Magaalada Muqdisho, iyadoo lala xiray wariye yaal idaacada ka tirsan oo kala ahaa :Maxmed Cabdulaahi Abuukar, Maxamed kaafi Cali Muumin, Ibraahim Cabdi xasan iyo Cabdi Kaamil Yuusuf Maxamuud, waxayna xirnaayeen muddo 9 saacadood ah.
Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka oo isla markaana Tafatire ka ah idaacada Codka Nabadda ayaa ku howlanaa barnaamij tabarrucaad loogu sameynayo wiil yar oo Soomaaliyeed oo dhibaateysan, oo aan lahayn meel uu ka saxaroodo, howshaas oo ay ku jireen mudo 4 todobaad ah, wiilkaas oo lagu magacaabo Mahad Maxamuud Makaraan.
Masuuliyiinta ururka saxuufiyiinta isboortiga Soomaaliyeed ee shalay ciidamada dowladda Federalku xireen, ayaa xalay lagu sii daayay amar kasoo baxay taliyaha ciidanka Booliska Generaal Cabdi Qeybdiid, waxaana sii deyntooda gacan ka geystay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish).
Gudoomiyaaha Ururka saxuufiyiinta Isboortiga Soomaaliyeed Muuse Maxamed Cusmaan ayaa shabakadaha qora cayaaraha u sheegay in maanta ay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay kaga hadlayaan siyaabihii loola dhaqamay intii ay xirnaayeen.
Waxaa soo diyaariyay:
Yuusuf Yuusuf