JAALIYAD SOOMAALIYEED OO AAS AASTAY KOOX KUBADDA KOLAYGA AH
18 April 2008
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magaalada Qaahira ayaa waxay ku howlan yihiin sidii ay salka ugu taagi lahaayeen Jaaliyad Soomaaliyeed oo wax la qaybsan karta Jaaliyadaha kale ee ku howlan qaban qaabada Isboortiga dalka Masar gudihiisa.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ayaa damacsan sidii ay jawi farxad iyo raynrayn leh ugu abuuri lahaayeen dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Masar qaasatan Qaahira.
Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan Qaahira ayaa waxay hore u qabteen tartamo K.Cagta ah, iyo bandhigyo dhaqameed xilliyadda kulaylaha. Taasi wexey fududeysay in la helo ciyaartoy awood fiican leh oo metela Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkan deggan, si ay uga qayb qaataan kulamadda Jaaliyaddaha ku dhaqan Masar.
Jaaliyadda Ciyaartooyda Soomaaliyeed
Waxaa marag ma doonto ah natiijooyinkii iyo guulihii faraha badnaa ay ka soo hoyeen kulamadii ay ka qayb galeen dhawaanahaan. Waxaa sidoo kale ay ku hawlan yihiin sanadkan in ay abaabulaan ama dhisaan kooxo K.kolayga ah oo wiilal iyo gabdho-ba leh.
Dalka Masar ayay u soo qaxeen dadweyne Soomaaliyeed oo aad u fara badan wixii ka danbeeyay 1990-kii. Dadwaynahaan ayaa ay ka mid yihiin kuwo si toos ah uga yimid Soomaaliya iyo kuwo u cararay Europe iyo north America oo hada caruurtooda si ay u bad baadiyaan dib ugu soo laabtay dalkaan.
Jaaliyadda ku nool dalka Masar ayaa u muuqda in laga heli karo dhalinyaro buuxin karta ama geli karta kuwo u saro istaago magacii Soomaaliyeed. Waxaa la wada xusuustaa xiligii berisamaadka kaalintii ama magacii ay dhalinyrada Soomaaliyeed ku lahayaayeen tartamadii K.Kolayga Afrika iyo Carabta-ba.
Waxaan si gaar ah u sii xusuustaa kulan dhexmaray dalka Maser iyo Soomaaliya sanadkii 1978-dii, iyagoo u tartamayay qaybta zoonka 5aad ee Afrika (Zone 5) anigoo ka mid ahaa qorayaasha baalka Isboortiga ee Xidigta Oktoobar iyo Idaacadda. Waxay ahayd guul aan marna la ilaawi karin markii xulka qaranka Soomaaliyeed wiilal iyo gabdhoba ka guuleysteen Xulkii reer Masar.
Waxaan ka xusuustaa halyeeyadii habeenkaas Axmed Daahir, Cabdi OK, Baarajab, Abuukar Shiino, Madoobe, Cabdi Xalwo, Shiikha, Cabdalla Dheere, Warsame Dheere, Cabdulqaadir Garweyne, iyo kuwo kale. Waxaa kaloo xusid mudan tababarayaashii tiirka u taagay oo ku lug lahaa horumarka K. kolayga sida Shiine Guhaad, John, Tarabi, Bruuko, Bruuno, Cali Cusmaan, Cabdi dheere, Afdhuub, Cali salad iyo kuwo kale oo aan halkan lagu soo koobi karin. Waxaa kale oo xusid mudan garsoorayaashii iyo xiriirkii uu horseedka u ahaa Aadan Xaji Yabarow “Wiish”.
Jaaliyadda Soomaaliyed ee Qaahira waxay ku taameysaa in ay dhisto koox tayo leh oo metesha magacii Soomaaliyeed. Fikradaan oo ka hanaqaaday markii xiddigii hore ee kubadda kolayga kooxda Jeenyo Axmed BILLE ay reerkiisii soo degeen magaaladaan ayaa kadib wuxuu kulano la sameeyay gudoomiyaha Isboortiga ee jaaliyadda Mudane Ibrahim Sheekh Cabdulaahi Macow.
Kulanadaas oo ay ka soo baxeen is af garad iyo in uu gacan weyn ka geysto dib u habaynta jaaliyadaan xagga Isboortiga. Waxaa kaloo kulankaas la isku raacay in la mataaneeyo kooxaha Jaaliyadda Qaahira iyo Kooxda ILAMOS FC oo ka dhisan magaaladda London ee dalka Ingiriiska oo uu Axmed Bile madaxda u yahay.
Waxuuna Axmed Bile ku dhiiri geliyey kana taageeray tababarka kooxda mudaduu Qaahira Joogay. Kooxda oo hadda jirsatey muda dhaafsiisan Afar bilood ayaa waxay sanadkaan ka qeyb galeysaa tartan dhex mari doono10 koox oo ka kala Socdo jaaliyado kala duwan oo u badan Africa oo kuligood hada ku nool dalka Masar. Waxayna hada la cayaareen kulamo saaxiibtinimo dalka Maali, inkastoo ay cayaartaasi ku guul dareysteen balse cayaartii xigtay oo ay la yeesheen koox Filibiino ah ay guul kala hoydeen.
Kooxdii la cayaartay Maali
Kooxda Jaaliyadda dalka Maali
Cayaartii kooxda Maali iyo Soomaaliya
Waxaa haatan kooxda layliya xidigii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed iyo kooxdii Sancada Cabdi O.K. oo u huray waqtigiisa qaaliga ah dhalinyaradan Soomaaliyeed maadaama uu ka arkay hibo ciyaareed.
Si qaas ah gudoomiyaha Isboortiga Soomaaliyeed ee jaaliyadda Masar, Mudane Ibrahim Sheekh Cabdulaahi Macow, wuxuu sheegay in ay soo dhawaynayaan dhamaan cid kasta oo fikrad, waayo aragnimo intaba ku taakulaynaysa.
Waxaa soo diyaariyay: Abukar BOSTON
Qahira - Masar