Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

KOOB LAGU MAAMUUSAY 12KA APRIIL OO KA DHACAY XAAFADDA SHANGAANI

15 April 2008

Waxaa maalin nimadii Sabtida taariikhduna ku beegnayd 12 Abriil oo ahayad xuskii 48 guuradii ka so wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed, ayaa waxaa lagu qabtay cayaar kubadda cagta qeybta Futsalka ahayd degmada Shangaani garoonka cusub oo loogu magac daray Abatiyoow Stadium.

Kulankaan ayay isaga horyimaadeen kooxo kala metalayay kooxihii Horseed iyo LL PP (Jeenyo), tartankan oo ahaa mid aad u xiiso badnaa ayaa waxaa garsoorayaal ka ahaa Maxamed Faarax iyo C/raxmaan Karaama, halka uu miiskana u fadhiyay Xasan Sheikh Ibraahim.

Kooxda Jeenyo

Kooxda Horseed

Inkastoo kulanku uu ahaa kulan hal maalin oo qura dhacayay hadana daawashada dadwaynaha ka soo qayb galay ma xumayn, waloow ay goob joog ahaayeen marti sharaf qiimo wayn lahayd, oo ay ka mid ahaayeen C/qaadir Bacfunka oo ahaa gudoomiyihii naadigi la oran jiray Muqdisho ama Minashiibiyo iyo gudoomiyaha maamulka degmada Shangaani Isloow iyo madaxda qaban qaabiyayaasha cayaarta Futsalka sida: Xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh iyo ku xigeenkiisa Sacba weyne.

Xaaji Yuusuf oo koobkii gudoonsiinaya kabtankii kooxda Jeenyo

Cayaaryahanada labada koox u kala safanaay ayaa ay ahaayeen cayaartooydii cuslaatay ee garoomada faaruqiyay, cayaartoodiina waxaa ay ku soo idlaatay 4 iyo 4 gool. Balse madaama uu koob dhex yiilay labadaan koox waxaa lagu qasbanaa in cid uun ay guushu raacdo. Waxaana loo dhigay gool ku laad ama rigooreyaal waxaana 6 iyo 5 gool guushii ku raacday kooxdii Jeenyo, oo halkaas koobkii munaasabada xuskii 48 guuradii ka so wareegatay Aas aaskii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed la gudoonsiiyay kabtankii kooxda Jeenyo oo uu gudoonsiiyay xaaji Yuusuf Maxamed Sheikh.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football