Skip Repetitive Navigational Links

Monday, May 12, 2008

QILAAFKII ISBOORTIGA HIIRAAN OO KA FURSAN WAAYAY SI FOOL-KA FOOL AH IN GEED HOOSTII LAGU XALIYO

14 April 2008

Kulan lagu dhaxdhaaxadinayo qilaafka soo jiitamaya mudada dheer ee u dhaxeeyo gudiga hormarinta isbortiga gobolka Hiiraan iyo maamulka isbortaga gobolka ayaa maanta si rasmi ah uga bilowday gudaha degmada b/weyne ee gobolka Hiiraan.

Shirkan oo ay ka soo qeyb galeen ciyaartoydii hore ee cuslaatay iyo qaar ka mid ah macalinmiinta isbortiga gobolka ayaa waxaa dhanka kale goobjoog ka ahaa labada dhinac ee isku hayo maamulida isbortiga gobolka oo sida la aaminsanyahay habacsanaan buuran ay ku jirto, waxaana isku keenay labadan dhinac ee is hayo nin ciyaartoydii hore ee waran tuurka iyo boodada sare ku caan baxay oo la yiraahdo Cabdi Guuleed.

Dhex dhexaadiye Cabdi Guuleed

Cabdi Guuleed, waxaa uu labada dhinac u sheegay in ay lagamamaarmaan u tahay in ay wada hadlaan oo la helo isboorti mid qura ah, oo gobolka Hiiraan uu yeesho islamrkaana is fahmi waaga labada dhinac ku dhaxjiro meesha laga saaro.

Kulanka

Shir ay iskugu yimaadeen Isbortiga gobolka Hiiraan

Cayaartoydii hore iyo labada garab ee isku hayo maamulka Isbortiga gobolka Hiiraan

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah, ayaa dood dheer ka dib waxaa lagu wada hashiiyay in kulan kan mid la mid ah oo baaxad weyn laysugu yimaado si loo dhameeyo qilaafkan ragaadiyay isbortiga gobolka hiiraan. Waxaa sidoo kale laysla gartay in gudi ka shaqeeyay dhameynta qilaafka oo dhinacyo badan leh la sameeyo inkastoo waqtiga uu dhacayo kulanka kan xiga iyo sameynta gudiga aan si toos ah loo shaacinin.

Guuleed, waa nin oday ah oo dhaxdhaxaad ah, sida ay labada dhinacba ii sheegeen islamarkaana ay ku kalsoonyihiin balse lama saadaalin karo waxa shirka maalinta khamiista ah loo balansan yahay ka soo baxi doono.

Kulankan ayaa waxaa soo dhaweeyay bahda isbortiga gobolka Hiiraan waloow ay shaki galiyeen sidii loo dhameyn lahaa qilaafkan la degay isbortga gobolka hiiraan islamarkaana ka reebay hormarka gobolada kale ee dalka.

Waxaa kaloo la hadal hayay in qilaafka iyo hormar la'aanta isbortiga gobolka Hiiraan ay ka danbeeyaan rag ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed iyo Jaaliyada reer Hiiraan ee dibada ku dhaqan inkastoo ay cadeynin sababta ay ugu eedeynayaan arrintani dhinacyadaasi.

Kulankan ayaa noqonayo midkii ugu horeeyay oo si foolka fool ay isku soo hor fariistaan labadan dhinac ee isku haya maamulida isbortiga gobolka Hiiraan islamarkaana qilaafka uu u dhaxeeyo ayaa laga yaabo in hadii la xaliyo qilaafkooda la gaari karo guul wax ku ool ah, balse hadii sida badanaa dhacdo oo ah in laysku yimaado hadana wax xal ah la gaarin ay keeni karto mugdi ka daran kii horay u jiray.

Ilyaas Axmed Cilmi
guute@kubadda.com
xafiiska kubadda.com
Hiiraan - B/weyne

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football