JIILAL KALA DUWAN EE KUBADDA KOLAYGA AH OO KU KULMAY LONDON
13 April 2008
|
Ururka isku taga cayaartooyda kubadda kolayga ee marka la soo gaabiyo loo yaqaan SSIFO (Somali Sports & International Freindship Organisation) ayaa waxay shalay galab oo taariikhdu ahayd 12 Abriil 2008 ay qado sharaf u sameeyeen Rugcadaayaal magac iyo maamuus ku lahaa cayaarta kubadda kolayga, si ay warbixin uga siiyaan dadaalka ay ugu jiraan isku keenida iyo ka qayb qaadashada horumarka kubadda kolayga Soomaaliyeed.
|
|
|
Ururkaan oo saldhigiisu yahay magaaladda London, qaybna ka ah bahwaynta kubadda kolayga ee ku kala baahsan dhamaan Adduun waynaha ayaa shalay si farxad leh isugu yimid Maqaayada bilicda san ee AL-URUBA Restaurant ee ku taal waqooyiga London.
Bahwaynta kubbadda Kolayga
Qada sharafta oo ay ka soo qayb galeen facyaal kala dambeeyay oo ka mid ahaa bahda jiilalkii kubadda kolayga Soomaaliyeed sida: Ruug cadaagii Lixdameeyadii ilaa Totobaatameeyadii Cabdulqaadir Xuseen Bootaan (Isoomarey), Aadan Xirsi Jaango’an (Adaamo), Dr. Cunaaye oo ahaa dhakhtarkii Isboortiga, Cabdiraxmaan Saalax Cabdi ( Matiite) Todobaatameeyadii ilaa Sideetameyadii Cusmaan Xaaji (Shiis) Bashiir Gurey, Cabdiraxmaan M. Gohaad (Shiino), Xasan M. Faarax (Macalin John), Maxamuud Cadani, Siciid Geesey Gacal, Cabdulqaadir Garweyne, Maxamed Sheikh Abdi (Weli) oo ka mid ah ciyaartoydii hore ee K. Kolayga oo soo gaaray ilaa sanadkii 1990.
Waxaa kale oo farxad weyn ahayd in ay la kulmaan asagoo booqasho ku yimid London mid ka mid ah maamulka Ururka SSIFO ee fadhigoodu yahay USA Ex laacib Nuuradiin Cali Saciid oo ahaa waqtigiisii Ciyaartooy aad u qiimo badnaa oo ka tirsanaan jiray Naadigii Badda iyo Xulka Qaranka Soomaaliyeed, haatana ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Nuuradiin Cali Saciid , Dr Cunaaye, Shiine Gohaad Xuseen Shiis
Waxaa ugu horeyn ka hadlay madasha Cabdulqaadir Garweyne, oo dhamaan Alle ka cabsi u soo jeediyey naftiisa iyo inta kaleba farayna in ILAAH laga cabsado naf kastana ay ogaato meeshey ka timid iyo meeshey u socoto. Waxaa kadib goobta ka hadlay Cabdiraxmaan M. Gohaad Shiino oo ah gudoomiyaha guud ee Umbareelada uruka SSIFO oo si cad u qeexay muhimadda kulankan oo ahaa in loo gogol xaaro guurtida K.Kolayga oo ahaan doonto lafdhabarka hawlaha K. Kolayga ee qurba joogta ah. Asagoo la hadlayay odayaashii halkaa isugu yimid ayuu yiri “Aba Abaa ka wayn, Ilmana Aabahood.” Kama maarano caqligiina, farsamadiina iyo kudhex jirkiinaba, waana muhiim in aad kaalintiina Oday nimo ka qaadataan dadaalka aan wadno.
Wuxuu macalin Shiino Gohaad xusay in sanadkaan ayaga marti loo yahay oo bahdii kubadda kolayga meel kasta oo ay joogaan isugu imaan doonaan London haduu Alle idmo bisha Agoosto horaanteeda. Waxaana jecelnahay ayuu yiri in kasta oo awoodo oo heli karaan ruqso ay ku soo galaan London in ay imaan doonaan. Muhiimaduna ay tahay sidii laysaga kaashan lahaa in la soo saaro dhalinyaro cusub ee mustaqbalka dalka wax tarta.
Macalin Shiino asagoo hadalkiisii weli sii wata ayuu farta ku fiiqay kuna yiri “soo dhawoow” Nuuradiin Cali Saciid oo ahaa laacib qaali ah martina u ahaa bahda K. Kolayga ee reer London. kuna sheegay in uu ahaa ciyaartoyga aan marna loo qirin hawlkarnimadiisa ciyaareed “the un sung hero” .
Waxaa hadalkii la wareegay Dr. Cunaaye, oo aad loogu riyaaqay hadalkiisa waxaana ka mid ahaa, mahad celin uu u soo jeediyey qabanqaabiyayaashii kulanka sida ay u sharfeen una xurmeeyeen dadkii hore ee isboortiga iyo K. kolayga ehelka u ahaa, wuxuu xusuusiyey goob joogta in kubadda kolayga markasta ay hormuud u ahayd isboortiga Soomaaliyeed arintan midaynaysaana ay tahay arin lagaga daydo dhan kasta. Wuxuuna ku taliyey in ururada ka dhisan dalalkan lagu mataanoobo waxna lala qabto.
Cabdulqaadir Xuseen Bootaan (Isoomarey)
Waxaa ereyo mahad celin iyo aqbalaad xil kasta oo looga baahdo sheegay Aadaamo, waxaa kadib ereyo kooban oo micno weyn ku fadhiyay iyo cashar taariikhda K.Kolaygaba soo jeediyey Cabdulqaadir (Isoomareey) oo ah odayga ugu da’ weynaa bahda K.Kolayga oo xusay in Isboortigu uu baalal badan leeyaahay aan loo arkin in K. Cagta uun tahay mida keliya ee aan dhaxalka u leenahay, wuxuuna xusuusiyey in ciyaaraha fudud, K. miiska, iyo K. kolaygaba laga soo hooyey guulo dhaxal gal ah. Kadib wuxuu si kooban uga sheekeeyey bilawgii sidii ay ku bilaabatay K.kolayga gaar ahaa tartankii dugsiyada “gara scuolastca” iyo Lixdii garsoore ee ugu horeeyey K. kolayga. Wuxuuna aad ugu mahad celiyey dhamaan bahda K.Kolayga iyo sida ay isugu duubanyihii meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna mahad gaar iyo bogaadin u jeediyey intii kulankaan soo qabanqaabisay.
Waxaa kulankii soo geba gebeeyey Cusmaan Shiis Gud. Ku Xigeenka Umbareelada guud ee uruka SSIFO. Ugana cudur daaray qaar ka mid ah odayaashii la casuumay oo soo gaari waayay kulanka daruufo family oo jiray aawgood. Balse balan qaadeen in kulanka kan xiga ay soo xaadiri doonaan. Cusmaan Shiis oo si qodo dheer uga hadlay isboortigu meeshuu joogo iyo waxa hortaagan oo uu ku soo koobay xukun jacayl, qabyaalad, gobolaysi arimahaas oo qofka ka fogeeya iimaanka iyo caqiidada, wuxuuna ugu dambayn u duceeyey dalka iyo dadka Soomaaliyeed in Ilaah ka qaado dhibka abaaraha, xanuunada, nabad la’aanta, xaqana tuso kuwa qaldan. Kulankiina waxaa uu ku dhamaaday farxad, rayrayn iyo kalgacayl.
Waxaa soo diyaariyay:
Xasan M. Faarax (John)
Xarunta wayn ee London