Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

HORYAALKA 3AAD EE KUBADDA GACANTA GABDHAHA OO SI HABSAMI LEH UGA SOCDO XAMAR

13 April 2008

Waxaa magaalada muqdisho gaar ahaan garoonka Ex-luujino ee degmada Cabdi Casiis si habsami leh uga socdo horyaalkii 3aad ee Kubadda Gacanta gabdhaha dalka Soomaaliya. Tartankan oo ey ka qeyb galayaan ilaa iyo Afar kooxood oo kala ahaa: Heegan, Horsed, Shacab iyo Halgan ayaa bilaawdayay dhamaadkii bishii hore, kulamada ilaa iyo hada la cayaaray ayaa kooxuhu isku arkeen una kala badiyeen sida tan:

22/03/2008 waxaa wada caaray kooxaha Heegan iyo Shacab waxaana iskoor gaarayo 23 gool iyo 3 gool guushi ey ku raacday kooxda Heegan.

05/04/2008 waxaa wada cayaaray kooxaha Halgan iyo Heegan waxaana 6 gool iyo 17 gool guushii ey ku raacday kooxda Heegan.

11/04/ 2008 oo ahayd maalintii Jimcaha ayaa waxaa fooda isdaray kooxaha Horseed iyo Shacab, kulan kaan oo ahaa mid aad u xiiso badan ayaa cayaarta ka sokoow waxaa labada kooxood dhex yaalay koob loogu talagalay munaasabada 48aad ee ka soo wareegatay Aasaaskii ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed (CXDS), waxaana cayaarta ey aheyd mid aad moodo in kooxda Horseed ey ka waayo aragsanaayeen gabdhihii ku cayaarayay magaca Shacab oo ahaa gabdho aad u da yar.

Cayaartii dhex martay Horseed iyo Shacab

Waxaana qeybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 8 gool iyo 5 gool oo u muuqatay in aan aad loo kala awood roonayn. Balse markii dib leysugu soo laabtay qeybtii danbe ee cayaarta ayaa kooxda Horseed oo ah kooxdii dhigtay koobka munaasabada waxey la soo baxeen dar dar xoog leh, cayaarta qeybteedii danbana waxaa ey ku soo idlaatay 17 gool oo ay keensadeen gabdhihii kooxda Horseed halka kooxda Shacab ey dhaafi waayeen 6 gool.

Kooxda Horseed

Kooxda Shacab

Munaasabada xuska sanadguurada 48aad ee CXDS ma ahayn oo kaliyah cayaartaan kubadda gacanta ah ee waxaa dhex taal looga dhigay cayaarta loo yaqaano karate-yga. Cayaartaan oo ka mid ah cayaaraha difaacu nafsiga (self defence) ama sidii uu qofku jirkiisa ugu diyaarin lahaa jir caafimaadeed (way of keeping your body healthy and a sport). Ayaa uu soo diyaariyay macalinkii waynaa Awees Orafeeyo, kana soo qayb galeen arday uu asaga soo wax baray.

Macalin Awees Orafeeyo iyo Ardaydiisii

Kadib waxaa la gudoonsiiyay Batuulo Xaaji Nuur oo ahayd kabtantii gabdhaha kooxda kubadda gacanta Horseed, koobkii loogu talagalay munaasabada oo uu gudoonsiiyay ku xigeenka gudiga Olambigada Soomaaliyeed isla markaana ah gudoomiyaha xiriirka kubadda Kolayga mudane Aadan Xaaji Yabaroow (wiish).

Kulanka kan xiga ayaa lagu wadaa maalin nimada Isniinta oo ay tariikhduna ku began tahay 14/04/08 in ey fooda is daraan kooxaha Halgan iyo Shacab. Hadaba wixii ka soo baxo iyo natiijada koobka kubadda gacanta ee dhanka gabdhaha dib ayaan idinkala soo socodsiin doonnaa haduu Eebe idmo.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email:
mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football