Skip Repetitive Navigational Links

Friday, May 16, 2008

KOOXDA VILLANOVA OO KU GUULAYSATAY KOOBKII (SBL) EE MINNESOTA

07 April 2008

Kooxda kubbadda koleyga ee Villanova, ayaa ku guulaysteen koobkii loogu magacdaray Somali Basketball League (SBL) habeenimadii Sabtida oo ay taariikhdu ku beegnayd 05/04/2008. Koobkaan oo ay aalaaba soo qabanqaabiyaan dhallinyarada Soomaaliyeed oo iyagu isku xilqaamay qabashada cayaarahaasi ee ku nool gobolka Minnesota.

Qaban Qaabiyayaasha Tartanka SBL

Waxaana ciyaarahaasi lagu qabtay garoonka kubadda koleyga ee Bottineau Park iyada oo daawadashada ciyaartaasi ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u faro badan iyo qaar ka tirsanaa ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga oo soo camiray garoonka.

Tartankan isaga ah ayaa soo billowday bishii Janaury 15-keedii 2008. Waxaana ka qayb galy ilaa iyo 11 kooxood oo kala ahaa: Safari, Dream team, Villanova, Via Roma, Hopkins, New Hope, United Star, Somali Tigers, Eagan, Burnsville iyo Saintpaul.

Ciyaar laga hormariyay tartanka cayaarta finalka ah ayaa waxaa iskaga hor yimid koox matalaysay cayaaryahanadii cuslaaday ee berisamaadkii u cayaari jiray Qaranka Soomaaliyeed iyo qaar ka tirsanaa dhallinyarada haatan garoomada ka cayaarta.

Ciyaartan oo ahayd mid aad u qurxoon ayaa natiijadeedu waxaa ay fajaciso ku noqotay kooxdii dhallinyarada oo iyagu lagu xusul daaray dhibco aad u faro badan. Qaybtii hore ee cayaarta waxaa ay ku dhammaatay 43 dhibcood oo ay hoggaanka ku hayeen kooxda cayaaryahanadii cuslaaday, halka dhallinyaradu ay ka keensadeen 39 dhibcood.

Qaybtii labaad ee cayaarta markii laysugu soo noqday ayay kooxda dhallinyarada aad ugu soo dhawaadeen cayaaryahanadii cuslaaday oo ay dhacday in daqiiqadii 8aad ee ciyaarta ay hal dhibic oo kaliaya ay cayaaryahanadii cuslaaday hoggaanka ku hayeen, hase yeeshee marnaba uma suurogalin inay ka hormaraan xagga dhibcaha, waxaa waqtigii loogu talogalay ciyaarta ay ku soo gabagabowday 86 dhibcood oo ay guushii ku raacday kooxda cayaaryahanadii cuslaaday, halka dhallinyarada ay ku itaal beeleen 62 dhibcood.

Kooxda cayaaryahanadii cuslaaday waxaa ugu cadcadaa:Maxamuud Ciise iyo Abdulahi yare oo dhibcaha intooda badan dhaliyay, Axmed daahir, Madaxey Shiikha, Burhaan Iyo Ismaaciil. Dhanka dhallinyarada waxaa isaguna tuurashooyin dhaadheer ku qarqiyay odayaasha: Saacid oo dhibcihii ugu badnaa dhaliyay, Sharci, Kaambi, Kooshin iyo Saciid .

Ciyaartii (Finalka) oo dadweynuhu ay sida aadka u sugayeen ayaa la bilaabay, waxaana foodda is daray labada kooxood ee kala ahaa Villanova iyo Dream team.

Ciyaarihii Semifinalka ayay labadan kooxood waxaa ay ka soo adkaadeen kooxaha Somali Tigers iyo Via Roma.

Kooxda Dream team

Kooxda Villanova

Labadan kooxood ayaa waxay ka mid yihiin kooxaha ugu ad-adag ee ka dhisan gobolka Minnesota kana qaybgalay tartankan, waxaana ku jira dhallinyaro mustaqbal wanaagsan ku leh ciyaarta kubadda koleyga. Labadaaan kooxood ayaa soo bandhigey ciyaar aad loo jeclaystay oo farsamadeedu ay aad u heer sarreysay.

Qaybtii hore ee cayaarta ayay wiilasha Villanova, jaanta isla heleen oo kubaddo degdeg ah ay dhaliyeen taasoo suurogalisay inay hoggaanka ciyaarta qabtaan ,taasoo dhalisay tababarihii kooxda inuu tashi degdeg ah sameeyo oo wax ka badalo qaab ciyaareedkii kooxda, waxaana ay kooxda Dream team, bilaabeen inay dhaliyaan kubaddo dabamareen dhaqsi leh (Fast break). Qaybtii hore ee ciyaarta waxaa ku gacan sarreeyay Kooxda Villanova, oo hoggaanka ku haysay 32 dhibcood, halka kooxda Dream team, ay ka keensadeen 28 dhibcood.

Isu soo noqodkii cayaarta ayay kooxda Dream team, wax ka badaleen qaab ciyaareedkoodiii waxaana u suuro gashay inay dhibco faro badan dhaliyaan oo ay hoggaanka ku qabtaan 50 Dhibcood, halka Villanova, ay ka lahaayeen 48 dhibcood, waxaana xilligaasi ciyaarta ka dhimanayd 3 daqiiqo 21 second.

Waxaase ayaandarro ahayd in kooxdii Dream team, ay xajisan waayeen guushoodii, khaladaadkoodiina uu faro batay (Fouls) oo goolal darandoori ah laga dhaliyo.

Kooxda Villanova, ayaa waxaa cayaarta 5tooda khalad (Fouls) dhammaystay Xasan. Halka kooxda kale ay khaladaadkooda ka qaateen: Maxamuud, Siraaji iyo Cabdixakiim oo ahaa lafdhabarka kooxda.

Waxaana ciyaartii ay ku soo gabagabowday kooxda Villanova, oo iyagu keensaday 53 dhibcood, halka kooxda Dream team, ay ka keensadeen 50 Dhibcood, sidaasina ku noqotay horyaalka SBL (LEAGUE CHAMPIONS 2008).

Kooxda Villanova, waxaa u safnaa habeenkaasi: Yaasiin, Khaalid, Xasan, Shaakir, Sharmaarke, Abdimalik, iyo Ali Jama. Waxaana tababarayaal u ahaa: Burhaan Yaasiin iyo Jaamac.

Dhanka kooxda Dream team, waxaa iyaguna u safnaa: Maxamuud, Siraaje, Asad, Abdixakiim, Abdulqaadir, Axmed Yaasiin, Saciid, iyo Xasan. Waxaana tababarayaal u ahaa: Cabdul Yaasiin iyo Cali .

Guud ahaanba ciyaarahaasi waxaa garsoorayay garsoorayaasha kala ahaa: Denise iyo Lamar.

Garsoorayaasha oo kala ahaa Denise iyo Lamar

Intaasi dabadeed waxaa halkaasi lagu bixiyay abaalmarinadii ay kooxaha kala mutaysteen iyo shaqsiyaadkii tabarucaadka weyn ka gaystay inuu tartankani noqdo mid lagu najaxo, waxaana loo kala helay abaalmainadii sidatan:

1. Qaasimoow iyo Saacid Maxamed oo la siiyay shahaadooyin Howlkarnimo, ay ku mutaysteen caawinaaddii ay ka gaysteen tartanka.

2. Cabdiileey oo la siiyay koobkii ciyaartooygii ugu dhibco badnaa iyo (MVP Season) intuu tartanka socday (Most Point League).

3. Sharci Osmaan oo ahaa Commissioner-ka cayaaraha oo la siiyay abaalmarin.

4. Yaasiin oo ahaa cayaartooygii ugu fiicnaa cayaarta Finalka (MVP) ayaa la guddoonsiiyay koobkii cayaar wanaaga.

5. Koobkii kaalinta 1aad oo la guddoonsiiyay kooxda Villanova.

6. Koobkii kaalinta labaad oo la guddoonsiiyay kooxda Dream team.

Waxaa iyaguna abaalmarinada wax ka bixiyay ciyaaryahannadii hore ee Qaranka Soomaaliyeed oo kal ahaa: Axmed Daahir, C/qaadir Madaxeey, Shiikha iyo Maxamuud Ciise oo iyaguna goobtaasi joogay.

Waxaa soo diyaariyey: Shiikha
Somali-youth.org
Minnesota

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football