OLOLKII CAYAARAHA BAKIIN (BEIJING 2008) OO GUDBAY WADOOYINKA LONDON UK
07 April 2008
Shalay oo taariikhdu ahayd 06.04.2008 waxaa lagu qabtay magaaladan London munaasabad aad u balaaran oo lagu soo dhoweynayey Ololkii ciyaaraha Olombiga ee dhawaan ka bilaabanaya dalka Shiinaha bisha Agoosto 8-deeda.
Munaasabadan oo ka bilaabatay garoonka caanka ah ee Wembeley Stadium, halkaas oo safiirka dalka Shiinuhu ku wareejiyey Olol dab laga shiday dalka Giriiga lana geeyey dalka Shiinaha haatana lagu talo jiro in la sii mariyo labaatan (20) dal oo kale. Waxaa ugu horeynba gacanta ku dhigay ciyaaryahanka Steve Redgrave, oo shan jeer hada ka hor ku guuleystay tartanka doonyaha Olombigada.
Gelbinta Ololka oo loo adeegsaday noocyada gaadiidka waxaa la marsiiyey 11 xaafadood iyo masaafad gaarta 31 mayl oo u dhiganta in u dhow 50 km, waxaana qaaday dad badan oo caan ka ah dalkan Ingiriiska iyo Aduunkaba. Dadkan waxaa ka mid ahaa rag, dumar, waayeel, iyo dhalinyaro.
Oradka oo ka bilaabmay, Wembley saacada dalka Ingriiska markay ahayd Afarsaac iyo bar subax nimo10:30 am, ayaa ku dhamaaday North Greenwich Lixdii maqrib nimo 18:00 pm.
Qadka loogu tala galay in lala maro Ololka
01 |
Wembley 10:30 |
|
08 |
St Paul 's Cathedral 14:30 |
02 |
Ladbroke Grove 11:00 |
|
09 |
Potter's Fields 15:00 |
03 |
British Museum 12:20 |
|
10 |
Whitechapel Road 15:30 |
04 |
China Town 12:30 |
|
11 |
Stratford 16:00 |
05 |
Trafalgar Square 12:50 |
|
12 |
Canary Wharf 17:00 |
06 |
Southbank Centre 13:30 |
|
13 |
North Greenwich 18:00 |
07 |
Somerset House 14:15 |
|
|
|
Wariyaheena kubadda.com oo fursad u helay in uu ka qaybgalo xafladda Olol shidida ka dhacaysay garoonka Wembeley Stadium, ayaa aad ugu farxay kadib markuu kula kulmay Wembley Arena Afar qoys oo Soomaali ah oo ayagana lagu soo casuumay munaasabada.

Idil, Guleid iyo Sharma'arke
Shalay iyo London
Waxaana u suurto gashay in uu wax ka weydiiyo siduu u arko xafladda wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa Afartii qoys ee halkaas uu kula kulmay oo la yaraahdo Guleid Faarax, oo ay farxad wejigiisa ka muuqatay, wuxuu igu yiri Guleid “Inkastoo saakay markaan hurdada ka soo kacay aan is iri waaa baaqan doontaa xafladdan, oo aan aad ugu haminayay in aan ka qayb galo waayo baraf aan la filayn oo aad ugu soo daatay magaalada aawgii, hadana waxba hakad ah ma gelin cimilada sida dhaqsida leh isku bedeshay.” Asagoo ii raaciyay waa markii iigu horaysay ee aan garoonkaan Wembeley Stadium aan imaado. Tan xafladda waxaan u arkay in lagu guuleystay munaasabadii dab shidka, waxaadse u moodaa in ay hadhaysay mudaaharaadka dadka taageerayey Tibet .” wuxuu Guleid ku daray “ Dalkan aan joogno waa dal dadku xor u yihiin iney codkooda sheegtaan kana banaanbaxaan wixii ay qalad u arkaan, taasise xaq uma siineyso iney sameeyaan falalka qaar-kood, boliiskuna si aad u wanaagasan ayuu u ilaaliyaa nabad gelyada”
|
Ciidamada booliiska ayaa magaalada u soo diray in ka badan 2,000 (laba kun) askari kuwaas oo ka kala howlgalayay dhamaan jidadka dab qaadka orodada ka dhacayeen. Afhayeenka booliiska ilaalada (Scotland Yard) ayaa sheegay in ay banaan baxa lidka ku ah xafladan ay ka soo qayb galayeen lix urur (six organisations), kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Free Tibet movement, the Falun Gong spiritual group iyo the Burma campaign, kuwaas oo qorsheenayay in ay mudaaharaadkaas u soo diraan in ka badan 500 ruux oo mudaaharaadka u diyaar ah (demonstrators).
|
|
Mid ka mid ah mudaaharayaashii London
|
Kuwaasoo carqalad geliyey hab u socodkii munaasabada dab qaadka, mudaaharaadayaasha ka soo horjeeday dalka Shiinaha oo ay ku eedeynayeen in uusan u hogaansamin tixgelinta xuquuqda bani aadamka, ayadoo si gaar ah loogu eedeynaayey carqalada ka taagan magaaladaTibet, oo ka tirsan dalka Shiinaha dadkeeduse doonayaan iney ka go'aan.
Boqolaal ardayda Chinese-ka ah ee wax ka barata dalka UK ayaa iyaguna ku talo jira in ay ka qayb qaataan mudaaharaad kale oo ka soo horjeeda kuwa ka xun qabsoonka Beijing games.
Waxaase isweydiin leh Shiinuhu ma isagaa ugu dembi badan dalalka adduunka, Tibet-na ma iyada keliyaa xuquuq la', mise waxaa lagu wiiqayaa heybada dalka Shiinaha ? Waa arin qofba si u arko balse waxaa in badani noo sheegeen in ay haboon tahay in lakala saaro Isboortiga iyo siyaasada.
Xukuumada China waxay ugu yeereen "isku dayga ku socda burburinta iyo baabi'inta xafladda Olympic-ga in ay tahay wax qaldan”. “Shidida Ololka Olympic-ga waxaa iskaleh oo wadaago dhamaan dadwaynaha adduunka oo dhan," ayuu yiri Wang Hui, oo ah afhayeenka Beijing Olympic organising committee.
Khilaafka aragtidan ayaa weligeed soo jirtay aana u muuqan in laga midoobayo ama meel la isla dhigi doono. Waxaa askarta London qabatay oo ku eedeysay gefaf xad gudub ah 31 ruux oo u gefay xasiloonida. Waxaa Ololka gudoomay dalka Faransiiska oo isna aan nabad kala kulmin
Waxaa soo diyaariyay: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - Xarunta weyn ee London