TARTANKII KUBADDA KOLAYGA CARUURTA DA’DA YAR EE KA SOCDAY TORONTO OO LA SOO GABA GABEEYAY
01 April 2008
Taarikhdu markay aheyd 27-kii bishii Janaayo 2008 ayaa waxaa ka bilowday magaaloda Toronto ee Canada , tartan kubadda kolayga ah oo loogu tala galay cayaartoyda da'doodu tahay 16jir iyo wixii ka hooseeyo.
Caruurtaan da'da yar ee ka soo qayb galay tartanka ayaa waxaa wato, qaar ka mid ah cayaartooydii hore ee Kubadda Kolayga Soomaaliyeed ee hada ku midoobay ururka lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) qaybtooda deggan Canada . Waxaana tartankaan maal galiyey ururka Ogaden Community ee loo soo gaabiyo OSCAO (Ogaden Somali Community Association of Ontario)
Kooxaha ka soo qayb galay tartankan ayaa kala ahaa: 1. Lawrence Heith, Weston, Fall Staff iyo Woodbine. Hadaba maalintii Axada taarikhda markay ahayd March 30th ayaa lagu soo gaba gabeeyey tartankaan oo in mudo 3 bilood ah socday.
Cayaartoyda oo dhan
Tartankaas waa cayaaray Afarta koox oo aan kor ku soo xusnay oo da' kala duwan ahaa. Koox kastana waxay wadatay sedax koox oo kala da' ah, kooxahaas oo kala ahaa Lawrence Heith oo uu macalin u ahaa macalinka macalinmiinta Cabdi Dheere, kooxda Fallstaff-na waxaa macalin u ahaa Faarax Odey, Cabdi Dibutaati oo isna macalin u ahaa kooxda Woodbine iyo Daa'uud Axmed Dheere oo macalin u ahaa kooxda Weston.
Cayaarahan oo soo gaaray xili final ah ayaa waxaa isugu soo haray, cayaaryahanada da'doodu ka yar tahay 12ka sano ee kooxda Weston iyo Fallstaff. Labada kooxba cayaar aad u wanagsan ayey soo bandhigeen oo marba qolo ayaa hogaanka qabanaysay. Gabagabadii ayaa kooxda Fallstaff guusha ku raacday 27 dhibcood, mesha Weston ay ka keensadeen 22 dhibcood.
Cayaartii labaad ayaa waxaa cayaaray kooxda Woodbine kuwa ka yar da'da 14ka sano iyo kooxda Fallstaff, waxaana halkaa ku awood saraysay kooxda Fallstaff oo ku badisay 31 dhibcood halka ay kooxda Woodbine kala yimadeen 22 dhibcood.
Kadib waxaa la cayaaray cayaar ay dadka oo dhan ay sugayeen oo dhaxmartay kooxda Weston kuwa ka yar da'da 16ka sano iyo kooxda Fallstaff, cayaartaasi waxay ahay mid aad u xiiso badan waxaa waqtiga intiisa badan hogaanka hayay cayaartaas kooxda Weston, ma badneen inta jeer ay kooxda Fallstaff ay hor kacday cayaarta.
Gabagabadii cayaarta ayaad waxaad mooday in xoogaa cayaartu soo kululaatay oo dhibcaha xagooda laga sinmay. Taasi waxay keentay in maskax iyo la tashi ay u baahatay, waxaana Time out qabsaday macalinka kooxda Weston Daa'uud Ahmed Dheere, si uu ugu gudbiyo dhalintaan da'da yar fikirkiisa iyo waxa looga baahan yahay in ay sameeyaan aaqiru saacaha.
Nasiib wanaag markii laga soo laabtay time out-kii ayay u suurto gashay kooxdii Weston in ay hogaankii soo noqsadaan, guushiina ku raacday 37 dhibcood iyo kooxda Fallstaff oo iyana heshay 32 dhibcood. Labada kooxba waxay soo bandhigeen cayaar dadweynaha cajabisay, waxayna daawadayaashii soo xasuusisay cayaarihi ka dhici jiray Ex Luujino, ka dib waxaa la gaaray waqtigii xiritaanka waxaana halkaa qudbad ka jeediyey macalinka macalinmiinta macalin Cabdi Dheere oo runtii aad u amaanay ururka Ogaden Community oo ahaa ururka ugu horeyey ee maal galiya caruurtan da'da yar, asagoo yiri waxaa kaloo aad ii farxad gelisay sida qurxoon uu ku bilaawday tartankanka iyo wanaaga uu ku dhamaaday.
Kadib waxaa hadlay president-aha Ogaden Community Maxamed Cumar Caydiid oo qudbad fiican halkaa ka jeediyey wuxuuna u mahad noqay macalimiinta waqtigooda geliyey caruurtan da'da yar waqtina u huray in ay tababaraan, wuxuuna balan qaaday in uu cawinaada uu halkeeda ka sii wadi doono.
Kadib waxaa hadashay Mp-ga xaafada Ms Laura Albanese, oo iidana qudbad qiiro leh halkaas ka jeedisay, ka dib waxaa microphone-ka loo dhiibay Cali Cabdi oo ka socday School Principal oo dhamaan caruurta u sheegay in ay iskuulka ku dadaalaan, kana fogaadaan waxyaabaha mukhaadaraadka ah ee miirkooda iyo magacoodaba wax u dhimi kara. Waxaa kaloo halkaa joogay isna Exucative Director of Ogaden Maxamed Amiir, waxaa kaloo ka soo qayb galay xafladda madaxda Ururka Today, waxaa kaloo ka soo qab galay macalin Buruno iyo Maxamed Faarax Qambi.
Waxaa halkaa lagu bixiyey koobabka, caruurta kuwa ka yar da'da 12ka sano waxaana koobka koowaad qaaday kooxda Fallstaff, halka kooxda Weston ay ka gashay kaalinta labbaad. Cayaartoyga ugu fiicnaay kuwa ka yar da'da 12ka sano ayaa loo gartay Fowzi oo ka socday kooxda Weston,
Koobka caruurta kuwa ka yar da'da 14ka sano waxaa kaalinta koowaad qaadatay kooxda Fallstaff, kaalinta labaadna Woodbine. Cayaartoyga ugu fiicnaay kuwa ka yar da'da 14ka sano waxaa qaatay iIyaas oo ka socday kooxda fallstaff
Koobka caruurta kuwa ka yar da'da 16ka sano waxaa iyana kaalinta koowaad qaadatay kooxda Weston, meesha kooxda Fallstaff ay labaad ka gashay. Cayaartoyga ugu fiicnaay kuwa ka yar da'da 16ka sano waxaa qaatay Abdirashid oo ka socday kooxda Fallstaff.
Intaa kadib waxaa ladhiibay shahaado sharaf oo la kala siiyey dhamaan macalimiintii kooxahaan iyo aarbiitarayaashii ama siiri wada yaashii oo aad loo jeclaystay sidii ay cayaarta ku daadihinayeen oo uu ka mid ahaa Ahmadeey (B.). Waxaa kaloo halkaa looga mahad noqay website-ka kubadda.com sidii wanaagsaneed ee sama falka ahayd ee uu gacanta uga siiyay min biloow ilaa iyo dhamaad baafinta tartankaan.
Macalinmiintii caruurta cayaaraysay waxay u mahad celiyeen waladiinta caruurta iyo maamulka Tounment-iga oo ahaa Ururka Ogaden oo ay soo qaban qaabiyeen Abdisamid iyo Omaar.
Sawirada dhamaan ka daawo HALKAAN:
Daa'uud A. Dheere
Xafiiska kubadda.com
Toronto Ontario - Canada