Skip Repetitive Navigational Links

Tuesday, June 18, 2013

Mo Farah oo ku guulaystay 3 kun meter

Written by: M Sheikh; 30 September 2007

Maxamed Farax ayaa shalay oo bishu ahayd 29 September 2007 si fiican uga guulaystay orod yahano heer caalami ah sida orad yahanka reer Kenya ee E Kipchoge oo galay kaalinta labaad kuna dhameeyay xawaaro ah 7min 58.1sec halka Maxamed Faarax uu ku dhameeyay kaalinta koowaad xawaaro ah 7: 56.03 sec, mar ay ku kulmeen BUPA Great North Run 3,000 (3 kun) meter ee wiilasha, ee lagu qabtay wadanka Ingriiska magaaladiisa Newcastle.

Siidoo kale ayay xaga dumarkana ku guulaysatay gabadha reer Kenya oo lagu magacaabo Vivian Cheruiyot taasoo ahayd markii ugu horeysay ay ku guulaysato tartankaan 3,000 (3 kun) meter.

Maxamed Farax oo ku magac dheer (Mo) wuxuu ku dhashay Muqdisho, Soamaliya. Sanadka markuu ahaa 23 Maarso 1983-dii.

Mo Farah markuu jiray 10 sano ayay reerkiisa oo dhan u guureen dalka Ingriiska, oo uu ilaa iyo hada ay degen yahay.

Mo wuxuu nasiib u yeeshay in uu tababar xaga orodka ah ku qaato dalka Ingriiska, taasoo siisay fursad qaali ah.


Asaga iyo familkiisaba waxay qaateen dhalashada degenaanshaha wadanka Ingriiska (British Citizenship). Taasoo u suurto gelisay in uu ka mid noqdo orod yahanada matalaysa magaca Ingriiska, mantana ugu magaca dheer leh. Wuxuu ordaa tartamo kala duwan sida 5,000 metres, 3,000 metres iyo 1,500 metres, mararka qaarkoodna arodada dhaadheer ee cross country-ga.

Sanadkii la soo dhaafay ee 2006-kii wuxuu ku guulaystay orad yahanka ugu fiican xagga orodyahanada nimanka dalka ingriiska, mar uu ku guulaystay oradka Championships cross country-ga ee reer Yurub ee lagu qabtay dalka Sweden magaaladiisa Gothenburg. Taasoo uu ku mutaystay bilada ah BBC London Sports Awards 2006.

Dhamaadkii sandkii hore ee December 2006-kii sidoo kale wuxuu ka mid noqday mid ka mid ah labada orad yahan ee reer Ingrris ku soo guulaystay bilado tartankii European cross-country-ga.

Biladaha uu ku guulaystay ilaa & hada (Achievements to date):
2007 European Cross Country Championships - Gold Medal
2006 European Cross Country Championships - Gold Medal
2006 European Championships in Athletics - silver medal (5,000m)
2006 Commonwealth Games - ninth place (5,000m)
2005 European Indoor Athletics Championships - sixth place (3,000m)
2000 World Junior Championships in Athletics - tenth place (5,000m)

Guulihiisii ugu fiicnaa (Personal Bests):
1,500m - 3:38.62 (2005)
Mile - 3:56.49 (2005)
3,000m - 7:39.25 (2006)
5,000m - 13:09.40 (2006)
3,000m - 7: 56.03(2007) UK best performance

GEBRESELASSE OO U DHIGAY RIKOOR CUSUB MARATOONKA. (Berlin Marathon)

Written by: Xasan Faarax (JOHN); 30 September 2007  

Xayle Gebreselasse oo u dhashay dalka Ethopia, horena aad ugu caan baxay tartamada 5,000 iyo 10,000 meter , kuna guulaystay labada tartan Olobigadii ugu dambeysay ayaa manta jebiyey waqtigii u yaaley in lagu ordo maaratoonka markuu maanta ku maray masaafadii ka badnayd 42 KM waqti ah 2 saacadood 4 daqiiqadood iyo 26 ilbiriqsi.   Rikoorkii hore oo ahaa 2:04:55 waxaa ku orday ciyaaryahanka Paul Tergat oo u dhashay dalka Kenya oo ku orday isla magaalada Baarliin ee ah caasimadda dalka Jarmalka.

 

Gebreselasse oo dadka falanqaya orodadu ku tilmaamaan in uu yahay ciyaaroygii ugu fiicnaa orodada dhaadheer haatana ah 34 jir wuxuu u soo jeestay maaratoonka markuu ka fariistay tartamada shanta iyo tobanka kun  mitir, in badana la sugayey in uu wacdaro muujiyo.

 

Isla tartankaas waxaa ku guuleystay dhanka gabdhaha Gete Waami oo iyaduna u dhalatay Ethopia oo ku oroday waqti ah 2: 23:23:17.

 

Maanta oo axad ah bisha Sebtembarna tahay 30, waxaa ka lagu qabtay magaaladda  Newcastle ee ku  woqooyiga dalka Ingiriiska tartan sanadle ah oo loo yaqaan Great North Run masaafadiisuna tahay nus maratoon (21km). Waxaa xiise gaar u sii yeelay tartankan Paula Radcliffe oo ah ciyaartoy caan ku ah orodada dhadheer una soo hoysay guulo farabadan dalka Ingiriiska, muddo 21 biloodna ka maqnayd garoomada ciyaaraha si ay u dhasho.

 

 In kastoo la filayey in paula ay ku guulaysato tartankaas waxaa aan qorshaha aan loo sheegin Kara Goucher oo u dhalatay dalka maraykanka oo ku oroday saacadii sideedaad ee aduunka ugu fiicnayd, halka Paula ay raali ku noqotay kaalinteedii 2aad.

Dhanka Ragga waxaa garabka isku hayey oo is mari waayey intii labaatan iyo kowgii kilo mitir ayaa lagaha wax laga dayey waxayna u ordeen sidii kuwo markaa hor leh waxaana ku guuleystay Martin Lel oo ka guuleystay Sammy Wanjiru  oo lagaga guuleystay 8 ilbiriqsi.

 

  Men's result:
1          M          Lel                     (Ken)   1hrs 00mins 10secs
2          S          Wanjiru                        (Ken)   1:00:18
3          H          Ramaala                   (SA)      1:02:37
4          T          Abyu                   (GB)      1:02:50
5          J           Rohatinsky           (USA)   1:02:54
6          A          Goucher                       (USA)   1:03:17
7          R          Ribos                (Por)    1:03:36
8          D          Berhanu                    (Eth)     1:03:54
9          W         Chinhanhu            (Zim)   1:03:56
10         I           Hudspith          (GB)    1:03:59

Women's result:
1          K          Goucher            (USA) 1hrs 06mins 57secs
2          P          Radcliffe                      (GB) 1:07:53
3          A          Kalovics             (Hun) 1:10:17
4          J           Muia                   (Kenya) 1:11:49
5          H          Yelling               (GB) 1:12:14
6          S          Partridge           (GB) 1:12:33
7          T          Morris                 (GB) 1:13:22
8          A          Zekiros               (Eth) 1:14:08
9          B          Dagne                (GB) 1:14:11
10         T          Mezentseva      (Ukr) 1:14:17

Men's wheelchair result:
1          E          Van Dyk            (SA)      42mins  36secs
2          K          Fearnley            (Aus)   42:37
3          J           Cassidy            (Can)   43:44

Women's         wheelchair result:
1          S          Woods               (GB)     50mins  36secs
2          F           Pocatello            (Ita)      58:00
3          J           Sowerby            (GB)    58:40

 

Basketball:

- Latest form the NBA

- Russia beats Spain 60-59 to win European Basketball Championship
read more...

- Eurobasket

- FIBA Africa

Football:

- UEFA

- BBC Sport

- Barclays Premier League

- Italian Football

- Spanish Football

- German Football