Skip Repetitive Navigational Links

Friday, July 03, 2009

Login

Log into Kubadda.com

Log into Kubadda.com
 


 




KOOXDA K/CAGTA SANDIEGO OO KU GUULAYSATAY KOOBKII XORIYADDA JABUUTI

Kooxda kubadda cagta gobolka Sandiego ayaa iyagu 2 iyo 1 ku suul daartay kooxda kubadda cagta Dallas, ka dib markii ay isku haleeleen tartankii cayaaraha kubadda cagta ee loogu magac daray Somali/America indepence days tournament. Labadan kooxood oo iyagu ku jiray grupka A, ayaa misna waxaa ay u tartamayeen hanashada koobka tartanka  ...

read more >>>



QORITUURKII CAYAARAHA SOMALI WEEK LONDON 2009 OO LAGU QABTAY XAAFADDA WEMBLEY

Waxaa shalay lagu qabtey xaafada Wembley oo ku taal Galbeedka magaalada London qorituurkii, sidii ay iskugu aadi lahaayeen kooxaha ka qayb galaya tartanka kubadda cagta ee Somali Week London 2009. Qorituurkan ayay ka soo qayb galeen marti sharaf lagu casuumay iyo wakiilada 12 Kooxood ee ka qayb gali doono cayaraaha Somali Week London 2009 ...

read more >>>



XULKA KUBADDA CAGTA JAALIYADDA SOOMAALIDA GEORGE OO GUUL KA SOO HOOYAY KOOXDA SWELLENDAM EE DALKA SOUTH AFRICA

Xulka kubadda cagta jaaliyadda Soomaalida deggan George ayaa 4-3 gool ugu awood sheegatay ka gadaal ciyaar kulul oo ku dhex martay garoonka lagu magacaabo stadio George. Waxaa ciyaarta bilawgeeda dardar la soo baxay kooxda Swellendam oo soo bandhigtay ciyaar wanaagsan oo niyad jab hoose ay ka qaadeen taageerayaasha kooxda  ...

read more >>>



ISKU AADKA JADWALKA KOOXAHA INGRIISKA EE TARTANKA PREMIER LEAGUE-GA SANADKA 2009-2010

Isku aadka sanadka 2009-2010 ee kooxaha Premier League ayaa saakay la soo shaaciyay. Kooxda haysata horyaalka dalka Ingriiska Manchester United ayaa cayaartooda hore jadwalka sanadkan cusub ee 2009 – 2010 ay fooda is dari doonaan kooxda hada u soo gudubtay Premier League ee Birmingham City maalinta Sabtida bishu tahay ...

read more >>>



WASIIRKA ISBOORTIGA & DHALINYARADA SALEEBAAN COLAAD ROOBLE OO BOOQDAY DALKA SUDAN

Wasiirka Isbortiga iyo Dhalinyarada mudane Saleebaan Colaad Rooble, ayaa booqasho gaaban ku tagay shalay magaalada Khartooum ee dalka Sudan, kadibna u suurto gashay in uu kulan halkaa kula yeesho Wasiirul Dowlaha Dhaqanka, Dhalinyarada & Isbortiga ee dalka Suudaan mudane Maxamed Aboozeed Mustafa. Kulanka ayaa lagu qabtey xaruunta wasaarada ...

read more >>>



INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Anigoo ah tifatiraha shabakadda kubadda.com Maxamed Sheikh Abdi (weli) iyo xaaskayga Shukri Yuusuf Afrax iyo walaasheed Faiza Yusuf Afrax, iyo dhamaan maamulka, madaxda iyo members-ka ururka SSIFO meelkasta ay joogaan, waxaan halkan anagoo aad uga xun uga tacsiyaynaynaa tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga C/qaadir Xaaji Daahir (Shiikha) ...

read more >>>



INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaa galabtii Khamiista oo taariikhdu ahayd 04/06/2009, ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Muqdisho Xaaji Cabdulle Macallin Abuukar (Cabdulle MAW) oo ku soo hawl jiray, hawlaha Isboortiga qaran muddo aad u dheer. Xaaji Cabdulle oo qayb weyn ka soo qaatay horumarinta Isboortiga gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Magaalada Kismaayo ...

read more >>>



KOOXDA JAALIYADDA SOOMILADA QADAR OO KU GUULAYSATAY KOOBKII JAALIYADAHA

Waxaa xalay la soo gabagabeyey Ciyaarihii jaaliyadaha oo in mudo ah ka socday wadankan Qatar oo ay ka soo qayb galeen jaaliyado badan oo dalka Qatar wada deggan Kulankaas ayaa waxaa sanadkan Jaaliyada Soomaalida matalayey dhalinyaro aad u da’yar oo tartanka intuu socday wacdaro la yaab leh ka dhigay halkaa. Daawashada ciyaaratan  ...

read more >>>



KULANKII ISKU IMAATINKA ASHLAND OO LA SOO GABAGABEEYAY

Tartamadii cayaaraha ee loogu magac daray Somali /Ashland Sports Re-union ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Ashland ee gobolka Oregon maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 25/05/2009. Cayaarahaasi iyaga ah ayaa aalaaba waxaa isugu yimaada ciyaaryahnnadii kubadda koleyga, kubadda cagta, kubadda miiska, dabaasha ...

read more >>>



CIYAARTOY HORE MAXAMED GEEDI SANTUUR IYO CABDIRASHIID AXMED BALASTIKO OO LONDON BOOQASHO KU YIMID

Habeenkii sabtida ayaa maamulka ururka SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation). Qaybtooda deggen London waxay ku soo dhaweeyeen garoonka ku yaala woqooyiga London ee loo yaqaan Selby Centre laba ruug cadaa hore oo qiimo iyo sharaf ku lahaa kubadda kolayga waagii beri samaadka. Labadan halyay ayaa waxay kala ahaayeen ...

read more >>>



KOOXDA BULO-BURTE OO XAMBAARSATAY WANKII TARTANKII KOOBKA NABADDA OO LAGU QABTAY SHALAY GAROONKA LAMA-GALAAY EE GUDAHA MAGAALADA B/WEYNE

Tartankii Koobka Nabadda oo si weyn loo soo qaban qaabiyay islamarkaana abaalmarin WAN ah, loogu talogalya kooxdii badisa ayaa shalay ka dhacday garoonka Lama-galaay ee gudaha Magaalada B/weyne. Ciyaartan oo ay soo qaban qaabiyeen dhalinyaro Ururka Leicester Stars ee Dalka Ingiriiska islamarkaana ciyaartooy hore ahaan jirtay ayaa  ...

read more >>>



TAARIIKHDII KOOBKA WANKA OO DIB LOO SOO NOOLEEYAY

Waxaa magaalada beledweyne ee Gobolka Hiiraan lagu qaban doono bisha maarso 15/05/09 hadii Eebe idmo koobkii Nabadda, koobkaas oo loo yaqaan koobka Wanka oo ayna ku tartami doonaan Degmooyinka Buulo Burte iyo Beledweyne. Waxaa sanadkaan koobka Wanka xaga qalabka Sportiga ugu deeqay Gobolka Hiiraan ururka Leicester Stars Gudoomiyahooda  ...

read more >>>



WASIIRKA HOWLAHA GUUD OO KU AMAANAY WASIIRKA ISBOORTISKA & DHALINYARADA DIB U SOO NOOLAYNTA NAADIGII (LL PP) JEENYO

Kulan ku dhex maray Nairobi Arbacadii la soo dhaafay Wasiirka Howlaha guud iyo Guriyaynta Mudane Maxamed Cabdi Yusuf iyo Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada Mudane Saleebaan Colaad Rooble, ayuu mudane Maxamed Cabdi Yusuf uga mahadceliyay Wasiirka Isboortiga dadaalka iyo isku daba ridka uu ugu jiro sidii uu u soo celin lahaa Isboortiga ...

read more >>>



WASIIRKA ISBOORTISKA OO KULASHIRAY NAIROBI BASHIIR GOOBE IYO AHMED NUUR IYO SUXUUFIYIIN SOOMAALIYEED

Wasiirka Isbortiska Dowlada Soomaliya Suleyman Colaad Roobl,e ayaa kulan qado ah wuxuu Hotel-ka 680 ee magaalada Nairobi kula yeeshay Gen Bashir Mahamed Jamaca (Bahsiir Goobe) oo ah taliye ku xigeenka 1-aad ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed, marna soo noqday gudoomiyaha xiriirka k/cagta, garsoorayaashii k/cagta ee Soomaaliya ...

read more >>>



CASHO SHARAF SAGOOTIN AH OO LOO SAMEEYAY XIDIGTII K/KOLAYGA MISKI CUMAR IYO XUBNO LOO MAGACAABAY GOS & XKG

Casho sharaftaasi oo si aad ah loo soo agaasimay waxaa lagu qabtay magaalada Sweden iyadoo isku soo dubaridkeeda ay ka shaqeeyeen Gudigii Cayaaraha Xagaaga ee Heerka 1aad , iyo halgamayaashii isboortiga ee ku nool wadanka Sweden waxaana ka soo qayb galay marti sharaf sport, odayaal Isboorti, Gabdhaha degen Stockholm Ciyaaryahannadii qaranka ...

read more >>>



WERIYE MAHAD TAGOOW OO LONDON LAGU SOO DHAWEEYAY

Habeenkii sabtida ayaa maamulka websiteka kubadda.com iyo cayaaryahanadii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed ee hada ku sugan cariga Ingriiska siiba magaalada London si wayn oo farxad leh ugu soo dhaweeyeen, qoraaga ama weriyihii shabakada kubadda.com Mahad Ahmed Tagoow, ee u fadhiyay Muqdisho oo dhawaan booqasho gaaban ...

read more >>>



URURWEYNAHA SEUKI OO STOCKHOLM KU SOO GABAGABEEYEY XAFLADII QORITUURKA CAYAARAHA XAGAAGA SEUKI 2009

Ururweynaha SEUKI oo ah urur Sport oo ka dhisan magaalada Stockholm ee dalka Sweden ayaa maanta soo gabagabeeyey shirweynihii qorituurka sanadkan 2009 iyadoo shirkuna uu socday 2 maalmood. Shirkan oo qeybtiisi koowaad ay dhacday shalay oo bishu aheeyd 24 April kuna saabsanaa ansaxinta sharciga ayaa qeeybtiisii labaad ay aheeyd xafladda qorituurka ...

read more >>>



KOOXDA ILAMOS OO NOQOTAY HORYAALKA HORYAALADA SOOMAALIDA EUROPE

Waxaa lagu qabtey magaalada Leicester labadii casho ee la soo dhaafay koobkii ugu horeeyay oo loo dhigo kooxaha jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ka dhisan dalalka Yurub, kuwaas oo ku soo guulaystay koobabka laga cayaaro Europe iyo Koonfur America. Tartankan oo la magac baxay Leicester Super Cup 2009, ayaa ay si sharaf leh u qabteen Ururka ...

read more >>>



BAHDA ISBOORTIGA MARAYKANKA OO KALSOONIDII KALA NOQOTAY URURKA SSIFO

Maalinimadii ay taariikhdu ku aadanayd 05 April/2009, waxaa xarunta ururka horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed ee gobolka Minnesota (SYDOM),lagu qabtay shir ballaaran oo ay ka soo qayb-galeen xubnaha sare guddiga fulinta ee ururka. Shirkaasi isaga ah ayaa lagu dhagaystay laguna falanqeeyay warbixino ay soo jeediyeen Macallimiinta qaranka ...

read more >>>



WAR SAXAAFADEED ISBORTI OO AY SOO SAAREEN QAAR KA MID AH CAYAARYAHANADII DALKA SOOMAALIYA

Waxaa habeenimadii Jimcaha taariikhduna ahayd 3 April 2009 lagu qabtey magaalada London xaafada Wembley Park, shir ay isugu yimaadeen qaar ka mid ah Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Ingiriiska isla markaana isku aragti ka ahaa, in ayna ku fikrad ahayn qaabka maamulka hada lagu soo doortay Jabuuti. Una arkeen in uusan ahayn mid si  ...

read more >>>



INAA LILAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN

Ma dhinte waa Illaah, waxaa saakay oo taariikhdu ahayd 18/03/2009, dalka Italy Isbitaal ku yaal magaalada Brescia ku geeriyootay Hooyo Khadiijo Maxamed Nuur, oo ahayd xaaskii Guddoomiyaha cusub ee isla saakay loo doortay Gudoomiyenimada Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, ahaana Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda ...

read more >>>



AADAN XAAJI YABAROW WIISH OO KU GUULAYSTAY GUDOOMIYE NIMADDA GUDDIGA OLOMBIKADA SOOMAALIYEED

War naga soo gaaray Dalka Jibouti ayaa wuxuu sheegayaa in lagu kala baxay doorashadii hoggaanka guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS, isla markaana uu guddoomiyenimada Guddigaas ku guuleystay Aadan Xaaji Yabarow Wiish. Doorashada oo saaka ka dhacday Hotel Kulan ee Magaalada Djibouti ayaa waxaa guddoomiyenimada Guddiga ...

read more >>>



TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA

Doorashada Guddiga Olombigada Soomaaliyeed ee GOS ayaa lagu wadaa in 18-ka bishan ay ka dhacdo Dalka Jibouti, iyadoo Xiriirrada iyo Ururrada wax soo dooranaya badankoodu ay maanta ka soo amba baxeen magaalada Muqdisho, taas oo si qadarin leh loogu soo sagootiyay, jidad badana loo xiray daraadood si ay si nabad leh dalka uga soo amaba baxaan ...

read more >>>








News 7am
News 11am

News 1pm
News 4pm
News 5pm